Maamulka Puntland oo digniin u jeediyay Wariyayaasha iyo Idaacadaha ka hawl gala Gudaha Magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Axad, August 17, 2008(HOL): Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa suxifiyinta iyo Idaacadaha ka hawl gala  gudaha  Magaalada Boosaaso uga digay  in ay buun buuniyaan wararka ku saabsan Musharaxiinta doonaysa in ay ka qayb galaan doorashada Puntland ka dhici doonta sanadka soo socda deegaanada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta DGPL C/raxmaan Maxamed Bangax oo furayay tababar loogu talagalay Suxifiyiinta Puntland ayaa si rasmi ah u sheegay in Ciddii lagu arko ,iyada oo buun buuninaysa wararka Musharaxiinta Tallaabo cad laga qaadi doono.

Waxa uu Intaasi ku daray Wasiirka Warfaafinta in loo ogol yahay Musharaxiinta in ay bilaabaan Ololohooda doorasho labada bilood ee u danbaysa sanadkan aynu ku jirno.

"Musharaxa Muwaadinka ah waa in uu soo bandhigaa ololihiisa doorasho labad bilood ee u danbaysa sanadkan mana loo baahna Idaacadaha in ay buun buuniyaan kulamada ay qabanayaan Musharaxiinta ka qayb galaysa doorashada Puntland ka dhici doonta sanadka danbe ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo furayay tababar loogu tala galay suxifiyinta ka hawl gasho Gudaha Magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole oo isna   ka mid ahaa  Mas’uuliyintii tababarkaasi furtay   ayaa si cad u tilmaamay In Idaacaddii lagu arko iyadoo tabinaysa wararka Musharaxiinta sharciga la hor keeni  doono tan iyo inta laga gaarayo dhamaadka sanadkan 2008.

Ilaa iyo hadda ma jiro Musharax ka tirsan Musharaxiinta Puntland oo si rasmi ah uga hadlay hadalka ka soo yeeray xukuumada Puntland. Hadalka ka soo yeeray Maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan  Musharaxiin aad u fara badan oo soo gaaray Gudaha Magaalada Boosaaso ,kuwaasi oo doonaya in doorashada ay ka qayb galaan.

Faysal Maxamed Xasan |(Boston)
[email protected]
Bosaso, Somalia