Sabti, August 16, 2008(HOL): Inta la og-yahay 11 Ruux oo isugu jiray dad rayid ah iyo Ciidamo ka tirsan Xoogaggii Maxkamadaha ee saakay dagaalka la galay Militariga Itoobiya ayaa la dhigay Meydkooda Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.
Dadka Rayidka ah ee ku geeriyooday dagaalka ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiyaaku ugu galeen goobo Ganacsi iyo guryo ay ku jireen, halka kuwa kalena rasaastu ugu tagtay meelo kala duwan ka mid ah Magaalada.
Sidoo kale wararka ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhaxmaray Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamadaha ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanku kaga geeriyoodeen 4 Askari halka 3 ka tirsan isla Ciidamada uu soo gaaray dhaawac, waxaana wararku intaas ku darayaan in tirada dadka rayidka ee dhaawacu ka soo gaaray dagaalka gaarayaan 6 Ruux.
Dagaalka ayaa sidoo kale saameyn muuqta ku yeeshay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka intaba, waxaana sidoo kale xirmay dhamaanba goobihii Ganacsiga Magaalada taas oo keentay in xitaa dadku waayo goobo ay ka dukameystaan.
Waxaa soo baxaya eedeymo qaar ka mid ah Ganacsatadu u jeedinayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo la sheegay in markii uu dagaalku joogsaday kadib jabsadeen goobo ganacsi oo wararku sheegayaan in laga qaatay lacag iyo alaabo muhiim ah, inkastoo wararkaasi aysan aheyn kuwo si dhab ah loo xaqiijin karo marka laga soo tago sheegashada Ganacsatada.
Dagaalka sakaay ka dhacay Magaalada Beledweyne oo socday Shan Sacadood oo xiriir ah ayaa ku soo beegmay xilli maalmo ka hor ay soo guryo noqdeen dadkii ka barakacay dagaalkii kol hore ku dhexmaray isla gudaha Magaalada Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamadaha, waxaana dadka saakay barakacay qaarkood u suurtagelin in ay guryaha ka qaataan wax yaabaha ay u baahan yihiin sababo la xiriira dagaalka oo ahaa mid si kedis ah ku bilowday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo ku dhaxmaray Magaalada Beledweyne Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamdaha
Cabirka Farta
More News
- Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir oo bilaabay dhaqdhaqaaqo uu dib ugu furayo Waddooyin ku xirmay dagaalladii Muqdisho ka dhacay
- Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u mahadceliyay Dowladda Canada
- Dagaal Culus oo Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamadaha ku dhaxmaray Magaalada Beledweyn
- Xildhibaan Jinni Boqor oo sheegay in waxyaabaha ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha isku hayaan ay ka weyn yihiin Xil-ka-qaadistii Maxamed Dheere
- Guddiyo kala metelaya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo maanta isku soo horfariisinaya Dalka Jibouti
- Dadkii u barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay cabsi la soo deristay
- Maamulka Puntland oo dab qabadsiiyay Lacag kale oo faalso ah oo Gaaraysa 420,000 oo Dollarka Maraykanka ah
- Dowladda Koofur Afrika oo ku guul dareysatay in ay xirto Xeryaha ay ku jiraan Dadkii ay saameysay dhibaatooyinkii ka dhacay Dalkaas