Dadkii u barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay cabsi la soo deristay

Cabirka Farta

Sabti, August 16, 2008(HOL): Dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ee u qaxay deegaannada u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa la soo deristay cabsi iyo wel wel, waxayna qaarkood bilaabeen in ay dib uga sii barakacaan meelihii ay u qaxeen.

Dadkani ayaa waxay cabsida la soo deristay kadib markii shalay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ay ciidamada Itoobiya ku dileen dad ka badan 50 ruux, kuwaasi oo dhamaantood rayid ahaa, isla markaana la socday Gaadiidka Dadweynaha ee isaga kala goosha Magaalooyinka Muqdisho Iyo Afgooye.

Dad aan kala xiriirnay Deeggaannada Km13, Ceelasha Biyaha, Xaawa Cabdi iyo Lafoole ayaa waxay sheegeen in inta badan Dadkii deganaa hareeraha Wadada ay u carareen Deegaannada Baadiyaha ee u dhow halkii ay deganaayeen.

Dadka ugu  badan ayaa waxay shalay ka barakaceen Deegaannada Km13 iyo Carbiska, halkaasi oo ay Ciidamada Itoobiya ku dileen Dad badan oo rayid ahaa, kuwaasi oo qaarkood ay ahaayeen kuwo ku sugnaa guryo ay deegaankaas si KMG ah uga sameysteen, halka kuwo kalena ay ahaayeen kuwo ku socdaalayay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Dilka bareerka ah ee ay Ciidamada Itoobiyaanka shalay u geysteen Dadka Rayidka ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka Ciidamada Itoobiyaanka qaraxyo lagula beegsaday inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo maalmo ka hor ahna Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo lagu qaaday in ka badan afar weerar oo dhamaantood waxyaabo qarxa loo adeegsaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia