Sabti, August 16, 2008(HOL): Waxaa maanta uu shir uga furmayaa Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti Guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kuwaasi oo sii amba qaadi doona wada hadallo labada dhinac horay ugu socday.
Guddiyada labada dhinac kala metelaya oo ay ku jiraan xubno labada dhinac u qaabilsan dhinaca ammaanka ayaa inta uu shirkooda socdo waxay ka wada hadli doonaan Arrimo dhowr ah oo aan ka xusi karno Ammaanka, Siyaasadda, Cadaaladda iyo Dib u heshiisiinta, waxaana xusid mudan in shirka guddiyadan ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadineyso.
Guddiga Dowladda Federaalka uga qeybgelaya wada Hadallada ayaa waxaa ku jira Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Cabdi Qeybdiid, Taliyaha Ciidamada Mileteriga Jen. Saciid Dheere iyo Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Jen. Darwiish, dhinaca Isbaheyisgana waxaa la filayaa in ay iyana wada hadallada uga qeybgeli doonaan saraakiil dhinaca ammaanka u qaabilsan.
Shirka ay labada dhinac yeelanayaan oo la qorsheeyay in uu socdo muddo seddex maalmood ah ayaa marka uu soo dhamaado waxaa la filayaa in ay madaxda labada dhinac mar kale Dalka Sacuudiga si rasmi ah ugu saxiixaan Heshiiskii ay 9-kii June 2008 ku wada gaareen Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.
Wada hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxaa si weyn uga war dhowraya dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u badan dadkii ka barakacay dagaallada iyo nabadgelyo-darrada ka jira Magaalada Muqdisho oo muddo labo sano ku dhow uu ammaankeedu yahay mid aan la isku haleyn karin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia