Xildhibaan Jinni Boqor oo sheegay in waxyaabaha ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha isku hayaan ay ka weyn yihiin Xil-ka-qaadistii Maxamed Dheere

Cabirka Farta

Sabti, August 16, 2008(HOL):  Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowaldda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in khilaafka mas’uuliyiinta uu ka qoto dheer yahay sida saxaafadda laga sheego.

Xildhibaanka oo u waramayay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqidsho waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ay isku khilaafsan yihiin Dib u heshiisiinta uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde wado, wuxuuna caddeeyay in ay mar-marsiyo tahay in khilaafka madaxda dowladda uu ka dhashay xil-ka-qaadistii Maxamed Dheere.

“Madaxweynaha ayaanan ogoleyn dib u heshiisiinta waa taas arrinta khilaafka keentay ee waa iska mar-marsiyo in khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha uu ka dhashay xil-ka-qaadistii Maxamed Dheere”ayuu yiri Xildhibaan Jinni Boqor oo sheegay in uu taageersan yahay dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ay waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu sii dhamaanayo waqtigii Dowladdii Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay dowladda inta uga harsan waqtiga jiritaankeeda ay dalka ku soo dabaasho nabadgelyo iyo dib u heshiisiin.

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor waxaa uu ku taliyay in aan waqti badan lagu dhumin khilaaf iyo mooshinno laga geeyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sida uu yiri shaqo fiican heysa, wuxuuna ku baaqay in waqtiga u harsan Dowladda Federaalka oo sanad ka yar looga faa’iideeyo Shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato ku jira.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia