Sabti, August 16, 2008(HOL): Inka Badan 420,000 oo dollarka Maraykanka ah ayaa dab lagu qabadsiiyay xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso ,iyadoo Goob joog ay ka ahaayeen Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha Xukuumada Puntland.
Waxaa lacagtaasi ay ahayd mid faalso ah oo ay Ciidamada Booliska labo maalin ka hor ka soo qabteen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, xilli la doonayay in si kotorobaan ah loogu gudbiyo Magaalooyin ka tirsan Puntland.
Madashii lagu soo bandhigay Lacagtaasi faalsada ah waxaa soo xaadiray Wasiirka Amniga C/laahi Siciid Samatar, Taliyaha Ciidanka Poliska , Godoomiyaha Gobolka Bari ,Duqa Degmada Bosaaso, Xeer ilaaliyaha Maxkamadda , Ganacsato iyo Masuuliyiink kale oo aad u fara badan.
lacagtani ka hor inta aanan dabka la qabadsiin waxaa Madashii lagu gubayay saxaafadda kula hadlay Wasiirka amniga C/laahi Siciiid Samatar oo sheegay in Gacanta lagu hayo dadkii lacagtani soo galiyay Magaalada Boosaaso.
Taliyaha Ciidanka Booliska DGPL Genaraal Gaani Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii joogay Madashii lagu soo bandhigay lacagtaasi faalsada ah ayaa tilmaamay in Qiimaha la gubay in ka badan lagu Qarinayo degmada Burtinle ,isla markaan ay gacanta ku soo dhigi doonaan dadka Lacagtaasi Qarinaya.
Lacagtaan lagu gubay Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Bosaaso ayaa markii hore waxa ay ahayd hal Malyan oo Dollarka Maraykanka ah , waxaana la doonayay in khal khal lagu Galiyo daganaanshaha Puntland sida ay sheegeen Masuuliyiintii Goob joogga ka ahayd Gubitaanka lacagtaasi dollarka ah.
Dhamaan Masuuliyiintii Goobtaasi joogtay ayaa Ganacsatada Puntland ugu baaqay in ay iska ilaalinayaan Lacagaha faalsada ah si aan loo dhicin hantidooda. Waa lacagtii ugu tirada badnayd oo faalso ah oo uu Maamulku gubo Muddo iminka laga joogo sanado ,iyadoo arintanna ay soo dhaweeyeen Ganacsato aad u fara badan oo ku dhaqan deegaanada Puntland.
Isku soo wada duuboo Tallaabadaan uu Maamulka ku gubay lacagtaasi faalsada ah ayaa noqon doonta mid wax wayn ka tari doonta , is-bad-badalka wajiyada uu leeyahay sicirka oo si aad ah u taabtay in badan oo ka mid ah danyarta Puntalnd
Faysal Maxamed Xasan (Boston)Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso ,Somalia