Ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan ilaalada Duqa Magaalada Beledweyne oo Xabsiga dhigay Mas'uul ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan

Cabirka Farta

Isniin,  August 11, 2008(HOL):  Ciidamada Itoobiya oo ay weheliyaan ilaalada Duqa Magaalada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) ayaa maanta Xabsiga dhigay C/qaadir Af-dhuub Makaraan oo ahaa madaxii Waaxda Canshuuraha Maamulka Gobalka Hiiraan.
 
Xarigga C/qaadir Af-dhuub Makaraan ayaa u muuqda mid ku saleysan muran maalmihii aynu soo dhaafnayba ka taagnaa Wareegto uu ku sheegay Duqa Magaalada in wixii hadda ka dambeeya la bilaabayo Canshuurtii Maamulku qaadi jiray, taasoo Mas'uulka maanta Xabsiga la dhigay ku tilmaamay in ay tahay mid sharci darro ah.
 
C/qaadir Af-dhuub ayaa sheegay in Cashuur xiligan laga qaado dadweynaha u ekaan doonto sida uu hadalka u dhigay Baad, gaar ahaan mar uu ka qeyb qaadanayay Barnaamijka Doodda gaaban ee ka baxa Idaacadda VOA ayuu C/qaadir ku eedeyay Duqa Magaalada in uu yahay shaqsi doonaya in uu dhaqaale ka sameysto dad sida uu hadalka u dhigay xitaa aan heysan wax Nabad-galyo ah.
 
Ilaa hadda ma'jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Golaha Odayaasha dhaqanka oo dhinacooda diidan Cashuurta uu soo rogay Duqa Magaalada, walow hadana wararka qaar sheegayaan in uu jiro dadaal la doonayo in lagu soo daayo Mas'uulka maanta Xabsiga loo taxaabay.
 
Inkastoo ay ka biyo diideen qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka wareegtada ka soo baxday Duqa Magaalada Beledweyne ayaa hadana waxaa si caadi ah u socda howlihii Canshuur uruurita, taas oo si gaar ah u taabaneysa gadiidleyda u kala baqoosha Goballada dalka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia