Ururka Daljirre ee fadhigiisu yahay Dalka Ingiriiska oo deeq gaarsiiyay dadkii ku barkacay Dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta
Isniin,  August 11, 2008(HOL): Dagalladii cuslee ee 24-26-kii Bishii aynu soo dhaafnay ka dhacay Magaalada Beledweyne waxaa ay sababeen barakaca dad rayid ah oo qaar ka mid ah la oran karo markii horeba waxaa heystay daruufo dhinaca Nolasha ah taasoo sababtay in dhibaato ka daran tii hore ay kala kulmaan deegaanadii ay ku barakaceen, gaar ahaan marka la eego daruufaha dhinaca Nolasha ah ee la soo darsay Qoysas badan oo ka tirsan barkacayaasha oo aan markiiba helin gurmadkii ay u baahnaayeen.
 
Laakiin markii ugu horeysay tan iyo markii ay dhaceen Dagaaladii cuslaa ee ku dhaxmaray gudaha Magaalada Beledweyne Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda, waxaa deeq isugu jirtay Masago, Saliid, Timir iyo Bustayaal ku kacay lacag dhan $4100 gaarsiiyay dadka barakacay Ururka Daljire Hiran Link ee fadhigiisu yahay Dalka Ingariiska oo ay horkacayeen Odayaasha kala ah Xaaji Max'ed Alaale, Cabdi Faarax Bayle ( Cabdi Gacamey), C/laahi Xuseen Fiidse, Cabdi Faarax Laqanyo, Cilmi Mux'ed Maalin (Garweyne) iyo Shiikh Saalax Cumar Cilmi, waxaana deeqdan ka faa'ideystay 315 Qoys oo ku barakacay hareera Magaalada Beledweyne.
 
Deeqdan oo ku soo aaday xili dadku siweyn ugu baahnaa islamarkaan qaarkood ay ku sugnaayeen geedaha hoostooda ayaa waxaa siweyn ugu farxay dadkii deeqda la gaarsiiyay oo u mahad celiyay Walaalaha soo xasuustay xili ay siweyn ugu baahaayeen kaalmadaas, qeybinta deeqdan ayaa dhinaca kale waxaa siweyn u soo dhaweeyay dhamaan Bulshada ku dhaqan Gobalka oo uu hormuud u ahaa Ugaas C/raxmaan Ugaas khaliif iyo Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka, iyaga oo soo jeediyay baaq ku aadan dhamaan Jaaliyadaha iyo hay'adaha Samafalkaba sidii ay wax ugu qaban la haayeen dadka ka barkacay Dagaalada waxaana ay ku tilmaameen talaabada uu qaaday Ururka Daljire mid ku dayasho mudan.
 
Inkastoo marka la eego kaalmadan la gaarsiiyay dadka barkacay la oran karo ma'aha mid wada dabooli karta baahida oo jirta, ayaa hadana waxaa xusid mudan in ay ku soo aadan xilli wax yar uu ay inaga xigto bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana uu ugu danbeytii Ururka Daljiren ugu baaqay dhamaan qeybaha bulshada iyo hay'adaha Samafalka in ay gacan ka gerystaan sidii loogu gar garaari lahaa dadka dhibaateysan si wada jir ah, maadaama baaxada culuska jira yahay mid ka badan Koox iyo Urur toona.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia