![]() |
| Mahad Axmed Cilmi |
![]() |
| Cali Iimaan Sharma-arke |
![]() |
| Bashiir Nuur Geedi |
Maanta Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed waxay u tahay maalin murugo ah oo ay xusuusanayaan saaxibo qaali ah oo laga dilay, kuwaasi oo weliba dilkooda ay u dhaxeysay saacado kaliya.
11-kii Agoosto 2007 subax Sabti ah waxaa agagaarka Xarunta Idaacadda Horn Afrik lagu dilay Wariye Mahad Axmed Cilmi oo xiligaas ku sii jeeday xafiiskiisa, waxaana dilkiisa ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysan oo ku sugayay halka ay ku dileen.
Dilka Wariye Mahad Axmed Cilmi waxaa si weyn uga naxay Ehelkiisa, Bahda Saxaafadda iyo weliba Dad badan oo Soomaaliyeed oo ku taxnaa Barnaamij uu maalin kasta ka sii deyn jiray Idaacadda Capital Voice oo mataan la ah Idaacadda Horn Afrik, wuxuuna Barnaamijkaas Muqdisho iyo Maanta.
Markii uu dhacay dilka Wariye Mahad Axmed Cilmi oo dhinaca kale ahaa Agaasimaha Idaacada Capital Voice waxaa shir deg deg ah isugu yimid Mas'uuliyiinta iyo Shaqaalaha Idaacadaha Horn Afrik iyo Capital Voice, waxaana la joojiyay dhamaanba howlihii Idaacadahaas qaban jireen, kadibna wuxuu Cali Iimaan Sharma-arke oo ka mid ahaa Milkilayaasha Idaacadda Horn Afrik uu ku dhawaaqay in labo maalmood howlaha Warbaahinta la joojiyo, loona dhaqaaqo sidii loo aasi lahaa marxuum Mahad Axmed Cilmi oo uu Meydkiisa yiilay Isbitaalka Madiina.
Laakin maxaa xigay, waxaa dhacday arrin kale oo lama filaan ahayd, naxdin weyn-na xambaarsaneyd. Markii Meydka Wariye Mahad Axmed Cilmi lagu soo aasay Qabuuraha Barakaat ayaa waxaa gaari uu la socday Cali Iimaan Sharma-arke oo aaska ka soo laabtay waxaa ku dhacday wax qarax oo kale ah. Gaarigaas waxaa saarnaa Cali Iimaan, Falastiin Axmed Xaaji oo ka tirsan Wariyayaasha Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik iyo Sahal Cabdulle oo u shaqeynayay Wakaaladda Wararka Reuters.
"Markii ay gaariga wax ku dhaceen, aniga iyo Sahal gaariga ayaan ka soo degnay, laakin waxaa gaariga ka soo degi waayay Cali Iimaan oo markaas ka dhiig-baxayay dhegta hoosteeda, wax yar kadibna waa uu geeriyooday"sidaas waxaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegtay Falastiin Axmed Xaaji oo gaariga la saarneyd Cali Iimaan.
Dabcan waxay ahayd murugo ay dul-fuushay murugo kale, waxaana tii Alle u timid oo la waayay labo ka mid ah Tiirarkii Idaacadaha Horn Afrik, Capital Vioce iyo TV-ga Horn Afrik, waxaana ilaa maanta la dareemayaa banaanaashaha booskii ay labadaas mas'uul-saxaafadeed ka baxeen.
Ma dhinte Waa Alle, Qof kastana mar ayuu geerida dhedheminayaa, sidaas darteed waxaan mar kale tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen marxuumiinta kala ah Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan Sharma-arke oo sanadkii hore maanta oo kale ay u ahayd maalin murugo leh.
Idaacadda Horn Afrik oo la aas-aasay sanadkii 1999 ayaa waxay Shacabka Soomaaliyeed u furtay cod baahiye ay si xor ah oo toos ah ugu dhiiban karaan afkaarahooda iyo weliba dhibaatada ay qabaan, iyadoo wixii waqtigaas ka horeeyay aysan jirin Idaacad ay dadka si toos ah codkooda ugu gudbin kareen.
Munaasabado lagu maamuusayo sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay marki la dilay Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi ayaa waxay maanta ka kala dhacayaan magaalooyinka Muqdisho, Nairobi iyo Djibouti, iyadoo Idaacadaha Horn Afrik, Capital Voice iyo TV-ga Horn Afrik ay baahinayaan barnaamijyo looga hadlayo xusuustii labadaas Mas'uul.
Dhanka kalena isla sanadkaas 19-kii Oktoobar 2007, labo bilood kadib markii Mas'uuliyiintaas saxaafadeed la dilay waxaa ay isna Kooxo hubeysan dileen Ku simihii Agaasimaha Idaacadda Shabelle Bashiir Nuur Geedi, kaasi oo isagoo ku leyrsanayay iridka gurigiisa la dilay.
Sidoo kalena dilka marxuumkaas waxaa uu ahaa mid naxdin leh, waxaana la dilay isagoo maalintaas ka soo faraxashay barnaamij uu abaal-marinno ku bixiyay, kaasi oo ku saabsanaa abaalmarinta dad ku guuleystay tartan aqooneed ay Idaacadda Shabeelle qabato sanad walba marka la gaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, kaasi oo ay ku tartamaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobollada Dalka.
Haddaba markii la dilay mas'uuliyiintaas Saxaafadeed ayaa Wariyayaal badan oo ka howlgeli jiray Labadaas Idaacadood waxay la soo deristay cabsi bacdamaa la dilay saaxibadoodii, waxayna wariyayaashaas qaarkood haatan ku sugan yihiin Somaliland, Jibouti iyo Kenya, halka ay jiraan kuwo uu waqtiga u saamaxay in ay tagaan qaar ka mid ah dalalka Yurub.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia


