Isniin, August 11, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in ay Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah qarax kula beegsadeen Deegaanka Siinka Dheer oo ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay Gaari Ural ah ka qarxiyeen Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tegay Xeradii Asluubta, isla markaana ku sii jeeday Magaalada Baydhabo.
Ciidamada Maxkamadaha ayaa waxay dhabo-gal ku sameeyeen Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay Xeradii Asluubta, isla markaana ku sii jeeday Magaalada Baydhabo, waxayna Ciidamadeena ku guuleysteen in ay qarxiyaan gaari Ural ah, halkaasna waxaa ku dhintay 40 Askari oo saarnaa Gaarigii qarxay"ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo sheegay in dhinacooda aysan wax dhibaato ah soo gaarin.
C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu intaas ku daray in uu sidoo kale jiro khasaare soo gaaray Gaadiidkii kale ee la socday Gaariga ay qarxiyeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay u muuqatay in ay dhaawacyo iyo dhimasho kale soo gaartay Ciidamadii saarnaa gaadiidka kale ee qaraxa ka badbaaday.
Mar wax laga weydiiyay in rasaas ay fureen qaraxaas kadib Ciidamada Itoobiyaanka ay dad rayid ah khasaare ka soo gaartay waxaa uu sheegay C/raxiin in aysan jirin cid ay waxyeello ku soo gaartay halka uu qaraxa ka dhacay, "waa dhici kartaa in rasaasta ay fureen Itoobiyaanka ay meelo fog fog dad wax ku yeeshay laakin meeshii aan ku weerarnay Kolonyada Ciidamada Itoobiyaanka ma jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay"ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Qaraxa lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeen hore ay xoogagga Al-Shabaab Madaafiic hoobiyayaal ah ay ku weerareen Xeradii Ciidamadii Asluubta Soomaaliya, taasi oo haatan fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo markii ciidamadaas qaraxyada lagu weeraray ay iyaguna madaafiic ku garaaceen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia