Isniin, August 11, 2008(HOL): Waxaa mar kale laga soo saaray Biyaha Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne Meydadka Labo wiil oo dhaliyaro ah kuwaas dad rayid ah arkeen iyaga oo dul sabeynaya Biyaha Wabiga, kuwaasoo markii danbe la dhigay Meydadkooda Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.
Mid ka mid ah dhaliyarada Meydkooda la helay ayaa dilkiisa loo adeegsaday rasaas halka Midka kalana loo maleynayo in la Ceejiyay, waxaana wararku sheegayaan in dhalinyaradan Meydkooda laga soo saaray Wabiga Shabeelle ka tirsanaayeen Xoogaggii Maxkamadaha ee ku sugnaa Magaalada ka hor inta aysan soo galin Ciidamada Itoobiya,
Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale laga soo saaro Biyaha Wabiga Meydadka dhaliyaro siyaabo kala duwan loo dilay kuwaa oo dhamaantood Ciidamada Itoobiyaanku ku qab qabteen Dagaalkii dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay ku dhaxmaray gudaha Magaalada Xoogagga Maxkamadaha iyo Ciidamada Itoobiya.
Waxaana jira walaac isa soo taraya oo dadka Magaaladu ka muujinayaan Meydadka laga soo saarayo Biyaha Wabiga, gaar ahaan aritan ayaa waxaa ay siweyn u tabaneysaa waalidiin badan oo waliishada ku waayay dagaalladii ka dhacay Magaalada kuwaas oo loo maleynayo in ay qabteen Ciidamada Itoobiya.
Dhawaan ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Beledweyne Xubno ka tirsan Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya qodobadii looga wada hadlay waxaa lagu soo qaaday sii deyta hadii ay jiraan dad wali ku jira gacanta Ciidamada Itoobiya taasoo dhinaca Saraakiishu aqbaleen, laakiin haddana dilku waxaad moodaa in uu yahay mid halkiisa ka sii socda.
Lama oga wali in ay jiraan dad ku sii haray gacanta Ciidamada Itoobiya iyo haddiiba ay jiraan sida ay ka yeeli doonaan, madaama aysan jirin cid si dhab ah u sheegi karta halka lagu hayo dadkii lagu qab qabtay dagaalladii ka dhacay Magaalada kuwaas oo marka danbe la arkayo uun iyagoo meydkoodu dul sabeynayo Biyaha Wabiga Shabeelle.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Meydadka Labo Wiil oo Dhalinyaro ah oo mar kale laga helay Biyaha Wabiga shabeelle ee Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan ilaalada Duqa Magaalada Beledweyne oo Xabsiga dhigay Mas'uul ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan
- Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo markii labaad saacado gudahood qarax lagula beegsaday Wadada isku Xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo
- Dagaal iyo duqeyn ka dhacday Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo Hodan ee Gobolka Banaadir
- 11-kii Agoosto 2007: Maalin la dilay Mas'uuliyiin Saxaafadeed
- C/QAASIM SALAAD XASAN: "Soomaaliya hadda waa laga faanaa laakin waxay gaari doontaa iyadoo lagu faanayo oo loo soo shaqo doonanayo"
- Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah ku qarxiyeen Deegaanka Siinka Dheer
- Ehellada Guddoomiye-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo hadda xiran oo ka hadlay xariggiisa
- Xaaladda degmada George ee gobolka Western Cape ee dalka Koofur Afrika ayaa si caadi ah ku soo noqotay kadib rabshadihii dhacay seddex bilood ka hor
- Ururka Daljirre ee fadhigiisu yahay Dalka Ingiriiska oo deeq gaarsiiyay dadkii ku barkacay Dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne
- Madaxwaynaha DGPL oo xarigga ka jaray Shirkadda Isgaarsiinta Telcom Puntland