Talaado, April 29, 2008(HOL): Deegaanno hoos-yimaada Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhacay dagaallo ay dad ku dhinteen oo dhexmaray beelo halkaas wada dega.
10 Ruux ayaa dagaalkaas ku geeriyooday 15 Ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo sidoo kalena la gubay guryo ku yaala mid ka mid ah deegaannadii ay dagaallada ka dhaceen.
Dagaalkan oo salka ku haya muran ka dhashay Dhul cusbada laga qodo iyo Waro Biyoodyo ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaannada War Caddeey iyo Dul-Murux oo ka tirsan Degmada Luuq, iyadoo sababta dagaalka qarxisayna ay ahayd iyadoo mid ka mid ah Beelaha dagaallamay ay diiday in laga wada manaafacaadsado meelaha cusbada laga qodayo iyo Waro Biyoodyada.
Guddoomiyaha Degmada Luuq oo haatan ku sugan Degmada Garbahaarrey ee Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed ayaa wuxuu sheegay in uu si weyn uga xumaaday dagaalka ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Deegaannada hoosyimaada Degmada uu ka taliyo, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay Odayaasha iyo Waxgaradka Degmadaas in ay dagaalkaas ku baxaan, isla markaana ay heshiis dhex dhigaan labada Beelood.
Dagaalka dhexmaray Labada Beelood ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay nolosha Dad badan oo ku dhaqnaa Deegaannada uu dagaalka ka dhacay, kuwaasi oo qaarkood guryihii ay ku noolaayeen Dab la qabadsiiyay.
Dhanka kalena, Waxaa maanta la soo af-jaray Doorashadii Guddoomiyenimada Gobolka Gedo, taasi oo ay beryahan wadeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha UNDP iyo UNPOS, waxaana Guddoomiyenimada Gobolka loo doortay nin lagu magacaabo Xuseen Shiikh Cabdi Ismaaciil.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia