Talaado, April 29, 2008(HOL): Muddo ku siman Saddex Todobaad kadib waxaa soo baxaya daadaalo lagu doonayo in Gobalka Hiiraan marka kale loogu sameeyo Maamul ka duwan kii horay uga jiray, waxaana la oran karaa arintaa iyada ah waa hadal heynta ugu badan ee xiligan ka jirta Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.
C/kariin Faarax Laqayo oo ah Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koofur Africa oo hadda ku sugan Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan loo baahneyn in bulshada Gobalka Hiiraan loo soo magacaabo Maamul aysan raali ka ahayn, waxaana uu intaa ku daray in sababaha ugu weyn socdaalkiisa arintaa khuseyso.
Warka ka soo yeeray C/kariin Laqanyo oo ku soo beegmay xili dhinaca kale si weyn loo hadal hayo in Dowlada Federaalka saacadaha soo socda ku dhawaaqi doonto maamulka Gobalka Hiiraan, ayaa siyaabo kale duwan markiiba looga arkay Magaalada Beledweyne waxaana muuqneysa in siyaasadda Gobalku tahay mid sii adkaaneysa marka la eego sida arimuhu isku diidan yihiin.
Marka aad dhinaca ka eegto hadalka Safiirka waxaa jira Waxgarad markiiba soo dhaweeyay islamarkaana sheegay in dhibaatadu ka taagan tahay maamulada aysan bulshadu ka warqabin ee laga soo magacaabayo dhinaca magaalada Muqdisho, waxaana ay intaa ku dareen in loo baahan yahay wada tashi ugu danbeytii bulshadu ku go'aansato cidii mas'uulka ka noqon laheyd.
Lakiin waxaa jira Fagrado kale oo arintaa ka horjeeda kuwaa ku tilmaamaya warka ka soo yeeray Laqanyo in uu yahay mid Gobalka dib ugu celinaya Nidaamkii Ismaamulka Midland oo uu mar madaxda ka ahaa C/kariin Faarax Laqanyo, iyaga oo dhanka kalana farta ku fiiqaya khilaafka muuqda ee u dhaxeeya Safiirka iyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo siyaabo kala duwan uga hadlay qalabka warbaahinta.
Inkastoo uu jiro abaabul ku saabsan in nidaamku ka soo dhismo gunta hoose loona madax-banaaneeyo bulshada in ay doorato ciddii ay doonto, ayaa hadana dhinca kale saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ka hadlay qaar ka mid ah qalabka warbaahinta Gobalka shaqsiyaad ka cabanaya in magacyadooda lagu soo daray liis cusub oo ay diyaarineyso Wasaarada Arimaha gudaha Dowlada Federaalka, waxaana shaqsiyaadkaasi ay sheegeen in aysan wax shaqo ah ku yeelan doonin mas'uuliyad xiligan loo soo magacaabo.
Cabashada ay muujiyeen durbaba shaqsiyaadka sheegay in Dowladu xiriir la soo sameeysay ayaa xaalada ka dhigtay mid isku qasan, waayo xitaa marka dhinaca kale aad ka eegto Golaha Odayaasha dhaqanku ma'aha kuwo isku si u arka magacaabista laga yaabo in dowladu sameeyso, waxaana qaarkood ay kuu sheegayaan in xaalada ay sii mujin doonto marka ay Gobalka soo gaaraan Mas'uuliyiin Dowladu soo magacaawday maadaama wali aan si dhab ah lays kula meel dhigin sida laga yeelayo maamulkii hore oo wali ku adkeeysanaya mas'uuliyada Gobalka Hiiraan.
Waa dhif iyo naadir in aad aragto mid ka mid ah Waxgaradka ku dhaqan Gobalka Hiiraan oo u riyaaqaya sida hadda wax u socdaan, waxayna intooda badan kuu sheegayaan in bulshadu ka soo daashay maamul meel kale laga soo magacaabo sidaa daraadeed waxaa muuqaneysa in loo riyaaqay hadalka Safiirka ee ah in bulshadu tashato una gudbiso Dowlada dhexe wax ay isku waafaqsan yihiin si markaa looga baxo dhibaatada dhinaca maamul la'aanta ah ee ka taagan Gobalka Hiiraan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhagaha Shacabka Reer Hiiraan ayaa ka dhur-sugaya waxa ka soo yeeri doona saacadaha soo socda Dowlada Federaalka iyo waliba isbadalka laga ayaabo in arintaa ay keento, iyada oo xisaabta lagu darsanayo mowqifka Yuusuf Dabageed oo sheegay in hadalka ka soo yeeray Wasiirka Arimaha gudaha Dowlada Federaalku yahay mid sharci daro ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia