Afar Dal oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay hordhigay Qaraar ku saabsan La-dagaalanka Burcad Badeedka Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, April 29, 2008(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka doodo qaraarro ay u soo bandhigeen qaar ka mid ah dalalka waa weyn ee ku jira Golaha Ammaanka.

Qaraarkan oo ku saabsan sidii loola dagaalami lahaa Kooxha Burcad Badeedka Soomaaliya ayaa waxaa Golaha u gudbiyay Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Panama, kuwaasi oo si weyn walaac ugu muujiyay khatarta ay keeneen Kooxha Burcad Badeedka  ah ee laga soo sheegayo Xeebaha Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Ambassador Zalmay Khalilzad ayaa sheegay in la joogo waqtigii uu golaha ammaanka jawaab ka bixin lahaa khatarta ka taagan Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu Golaha Ammaanka ka shiri doono maalmaha soo socda Qaraarrada arrintaas ku saabsan ee loo soo gudbiyay.

Sidoo kalena, Dowladda Spain ayaa iyaduna waxay muujisay sida ay lagama maarmaan  u tahay in tallaabo laga qaado Burcad Badeedka Soomaaliya, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha Spain Mr. Jose Luis Rodriguez Zapatero uu sheegay in xeebaha Afrika, gaar ahaan tan Soomaaliya ay khatar gaar ah noqdeen.

Dowladda Spain ayaa dhawaan waxay Kooxo Burcad Badeed ah siisay lacag dhan 1.2 Milyan Doollar oo ay ku furatay Doon Kalluumeysi oo Xeebaha Soomaaliya looga qafaashay, taasi oo ay la socdeen 26 Shaqaale ah oo u kala dhashay Spain iyo Qaar ka mid ah Dalalka Afrika.

Ka hadalka Burcad Badeedka ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay xiiso yeelatay kadib markii uu dhawaan Xeebaha Soomaaliya ku weeraray Markab Dagaal oo Faransiiska leeyahay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah  oo qafaashay Doon ay saarnaayeen Dalxiisayaal Faransiis ah, iyadoo weerarkaasina lagu qabtay Lix ka mid ah Burcad Badeedkii Doonta qafaashay, kuwaas oo haatan lagu maxkamadeynayo Dalka Faransiiska.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda Caalamiga ah ee UN-ka u qaabilsan Badaha ee lagu magacaabo IMO ayaa sheegtay in 25 Markab ay Kooxo Burcad Badeed ah ku qafaasheen Xeebaha Soomaaliya,

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia