Ciidamo Itoobiyaan ah oo qarax lagula beegsaday agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Talaado, April 29, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad ayaa waxaa lala beegsaday qarax xooggan oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaarihii Ciidamada Itoobiyaanka ka soo gaaray, marka laga reebo dad ka dhawaa halka qaraxa ka dhacay oo sheegay in ay arkeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo qaraxa ku dhaawacmay.

Qaraxaas kadib ayay Ciidamada Itoobiyaanka hakad geliyeen dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Gaadiidka Wadada hor-marta Kuliyaddii Jaalle Siyaad, kuwaasi oo qaarkood u soo shaqo tegayeen Suuqa Bakaaraha.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamo Itoobiyaan ah qarax lagula beegsado nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, waxaana horay u jiray dhowr qarax oo qaarkood ay waxyeello xooggan ka soo gaartay Ciidamadii lala beegsaday.

Shalay ayay ahayd markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay Magaalada Baydhabo lagu qarxiyay duleedka magaaladaas, iyadoo la sheegay in uu qaraxaas dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa, kuwaasi oo iyana markii qaraxa lala beegsaday kadib si aan kala sooc lahayn u toogtay dad ka dhawaa halka qaraxa lagula beegsaday oo ahayd Xaafadda Cadaadda.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Dalka Soomaaliya ayaa mar kasta waxaa lala beegsadaa Qaraxyo ka dhasha Miinooyinka dhulka loogu aaso, kuwaasi oo ay u dhigaan Dad ka soo horjeeda joogitaanka Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia