Horyaalka 3aad ee Kubadda Gacanta Soomaaliya oo la soo gebagebeeyay

Cabirka Farta


Talaado, April 29, 2008(HOL): Waxaa shalay lagu soo gebagebeeyay Garoonka 1-da Luulyo (Ex-Luujino) Horyaalka 3aad ee Kubadda Gacanta Soomaaliya, iyadoo ay ku tartamayeen 4 kooxood oo Gabdho ah.

Ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Horyaalka waxaa isugu soo haray labada Kooxood ee kala ah Heegan iyo Halgan, iyadoo koobkii ay ku guuleysatay Kooxda Heegan oo la timid  14 gool, halka Kooxda Halgan ay ka keensatay 6 Gool.

Ciyaartii kama dambeysta ahayd waxaa ka soo qeybgalay daawashadeeda mas’uuliyiin Isboorti oo ka kala socday Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirrada kala duwan ee Soomaaliyeeed, waxaana mas’uuliyiintaas ka mid ahaa Aadan Xaaji Yabarow Wiish, Prof. Maxamed Cali Caddow iyo Xaaji Colow iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Sidoo kalena, waxaa daawashadii ciyaarta ka soo qeybgalay Taliyaha Howlgelinta Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobolka Banaadir Col. Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal iyo weliba xubno ka socday Ganacsatada Muqdisho, kuwaasi oo si weyn u xiiseeya  daawashada ciyaaraha Isboortiga Soomaaliya.

Dadweyne aad u faro badan ayaa iyaguna waxay ka soo xaadireen daawashada ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Horyaalka Kubadda Gacanta Soomaaliya, kuwaasi oo intii uu horyaalka socdayna si joogto ah ula socday ciyaarihii dhacay.

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) ayaa sheegay in uu Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda gacanta uu horay u soo gunaanaday Horyaalka 10aad ee Kubadda Gacanta Soomaaliya, kaasi oo ay ku tartameen 8 Kooxood oo heerka koowaad ah, kaasi oo uu xusay in ay ciyaartii kama dambeysta ahayd isugu soo hareen Kooxaha Heegan iyo Horseed oo ay koobkii ku guuleysatay Kooxda Heegan.







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia