Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
Arbaco, April 02, 2008(HOL): Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta ka qeybgalay xaflad lagu furayay Xarunta Hoggaanka Ciidanka Booliska ee La-dagaalka Dembiyada ayaa wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa Nabaddii, Qarannimadii, Midinimadii iyo Sharafkii Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwooda xil-kaska ah looga baahan yahay in ay habeen iyo maalin ka shaqeeyaan sidii ay uu dib ugu soo noqon lahaa sharafkii Soomaaliyeed, wuxuuna ka digay wax kasta oo dadka iyo dalka u horseedi kara burbur hor leh, isagoo carrabka ku dhuftay in Dadka Soomaaliyeed ay muddo 17 sano ah dhibaato iyo dagaallo ku soo jireen.
Madaxweynaha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay jiraan Dad uu dagaalka kala fiican yahay Nabadda, wuxuuna sheegay in qofkii dagaal yaqaana uusan dagaal ku deg-degeynin, uuna kala garanayo waxa uu faa’iido iyo khasaare leeyahay.
Xarunta Hoggaanka Ciidanka Booliska ee ka hor-tagga dembiyada ayaa waxaa laga furay Xaruntii Oto-Oto oo dib dayactir loogu sameeyay, waxaana xafladdii lagu furayay sidoo kale ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Taliyayaasha Ciidamada Amisom iyo Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, furitaanka Xaruntan cusub ee la-dagaalanka dembiyada ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muddo sanad ka badan Muqdisho kula dagaalameyso Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo diidan siyaasadda ay ku shaqeyso iyo weliba joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia