Talaado, 01 April 2008 (HOL): Abwaanka caanka ah ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa ka hadlay Xaaladda waqtigan ee Somaliland ku sugan yahay, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo sidoo kale waxa looga baahan yahay dadka hoggaanka dalka haya, amaba qaban doona mustaqbalka soo socda.
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame, oo si gaar ah loogu soo macsuumay isaga iyo xubno kale Shirweynihii labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, oo shalay lagu soo gunaanaday Magaalada Hargeysa, ayaa mar uu ka hadlayay shirkan, sheegay in loo baahan yahay in labada Xisbi ee Mucaaradka ah ee Somaliland, ay iyaguna fursad u helaan inay Xilka qabtaan. “Aniga oo ka mid ahaa xubno 30 ah oo marti-sharaf ah, waxaan jeclahay in aan ka mahad-celiyo aniga oo 30-ka kale afkoodii ku hadlaya xishmayntaa iyo marti-qaadkaa uu Xisbiga Kulmiye noo soo fidiyay, Illaahay mahadii anaguna waanu soo ajiibnay oo waanu nimi. Aan ka hadlo ta doorashada soo socota’e, Xisbiga taladad haya (UDUB) mooyee, bal inay labada Xisbi ee kalana fursad u helaan in ay talada qabtaan, si ay u cadeeyaan waxa ay kala mid yihiin ama kaga duwan yihiin Xisbiga talada haya, ee UDUB la yidhaahdo. Yacnii way is caddayn lahaayeen uun in ay iyaga iyo UDUB isku mid yihiin iyo waxa ay kaga duwan yihiin, haday fursada helaan.” Sidaa ayuu yiri Abwaan Hadraawi.
Abwaanku mar uu si gaar ah uga hadlayay Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu yiri, “Kulmiye arrimihiisii gaar ahaaneed ee uu lahaa wuu dhameeyay, oo malaha xan baa iska yara jirtay’e, oo mishkilad baa jiri jirtay. Waxaan leeyahay Kulmiye mishkiladii gudihiisa haday jirtay-ba wuu xaliyay, waxaan rejaynayaa Kulmiye in uu ku soo baxo doorashada, Kulmiyana inuu hogaanka qabto oo uu doorashada soo baxaa mid lagala talinayo maaha oo way qurshaysan tahay. Laakiin hawsha iyo dedaalka uu u samaynayo inuu soo baxo oo uu guusha helo waxa ka culus hawsha sugaysa haddii uu doorashada ku guulaysto, oo waxa la is weydiinayaa, maxaa Kulmiye u meel yaala.” Waxaanu sheegay in Xisbiga Kulmiye looga baahan yahay wixii uu dalkan ku hagi lahaa, isaga oo carabka ku adkeeyay in aan sida Xukuumadda maanta jirta laga yeeli doonin balan-qaadyo aan laga run sheegin.
Abwaan Hadraawi waxa uu soo jeediyay in qof kasta oo qabta hogaaminta dalka iyo dadka in uu ogaado xaaladaha iyo duruufaha dadka iyo dalku ku sugan yahay, isla markaana aanu ilaawin waxa looga baahan yahay, Kulmiyana uu arko waxa uu maanta arkayo hadii uu Hogaaminta dalka ku guulaysto.
Mar uu Xukuumadda Somaliland u duur-xulayayna waxa uu yidhi Abwaanku, “Maanta waa laga warhayaa xaalada dalku ku sugan yahay, oo kariin iyo tolliinba wuu dhamaystay, oo Hay’adihii imanayay, Ictiraafkii, togaggii soo rogmanayay iyo halkan ay wax soo socdaan, waxaas oo dhami way dhamaadeen.”
Mar uu abwaanku ka hadlayay sida dalka looga sii jeedo ee ay dhalihyaradii ugu hamiyayso inay qurbaha u baxdo, ayaa waxa uu yidhi, “Waad ogtihiin, in Somaliland marayso in inanku Hooyadii ku kaxeeyo waa xaaskaygii, in inantu Aabaheed ku ka xayso waa ninkaygii. Waxa la yidhi gabadh joogta wadanka ayaa waxa hortimi London, oo Londoney, Londoney mooyaane, hadal kaleba waa laga waayay, oo habeenkii siday u hurudo ayay soo boodaa oo ay tidhaahdaa Londhanay, waxaan doonayaa halkay dadkii gaadheen.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Maalintii dambe iyada Idaacada BBC-da dhagaysanaysa, ayaa BBC-du soo daysay Tacsi ah, hebel iyo heblaayo waxa laga tacsiyadaynayaa Inantoodii heblaayo hebel oo shalay ku geeryootay Magaalada London, dabadeedna way soo booday oo waxay tidhi ‘Cawadeeda iyadaaba London ku dhimatay’ beena maaha sheekadaasi ee waa dhab. Aakhirkii Inantii London ayaa la geeyay, markii la geeyay Gurigii loogu tala galay ayay tidhi meeday London, oo sawirka ay ka haysatay iyo muuqaalkeeda dhabta ah ayaa isu qaban waayay.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland