Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo mar kale ka hadlay arrinta in Maraykanku Saldhig Millatari ku yeesho Somaliland

Talaado, 01 April 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa mar kale sheegay in Somaliland soo dhawaynayso haddii Maraykanku uu doonayo inuu saldhig Milatari ka samaysto Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu sheegay inay jiraan wada hadalo ka dhexeeya dawladdiisa iyo dawladda Maraykanka, isaga oo sheegay inay isku raaceen in si wada jir ah looga shaqeeyo danaha labada dhinac, waxase uu xusay inaanay arrimuhu weli dhammaan, “Haddii Maraykanku, jecelyahay inuu joogitaan milatari ku yeesho ciidda Somailland, waanu soo dhawayn doonaa, waanan aqbali doonaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo dhawaan u waramay wargeyska Washington post oo ka soo baxa magaalada Washington ee dalka Maraykanka, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa jira wada hadalo, waxaanan ku heshiinay inaanu si wada jir ah uga shaqayno danaha labada dhinac, laakiin weli arrimaha la islama meel dhigin.”...

Sida uu baahiyay Wargeyska Geeska Afrika, Mawduucan ayaa waxa khamiistii la soo dhaafay daabacay Wargeyska Washington post ee dalka Maraykanka. Waxaanu Wargeyska Washington Post sheegay in Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanku toddobaadyadii la soo dhaafay Somaliland u dirtay kooxo qandaraaslayaal ah oo soo eega suurto-galnimada saldhig milatari oo uu Maraykanku ku yeesho Somaliland. Sida Jariiradu qortay xubno ka tirsan kooxahaas oo lagu waraystay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, ayaa sheegay in dawladda Somaliland oo ku rejo weyn inay aqoonsi heshaa, ay soo dhawaysay suurtogalnimada in Maraykanku saldhig milatari ka samaysto Somaliland.

Wargeyska kale ee Sub Saharan Informer oo ka soo baxa Addis Ababa, ayaa dhawaan qoray hadal uu ka soo xigtay Madaxweyne Daahir Rayaale, kaas oo uu ku cadaynayay inuu Maraykanka ku casuumay saldhig milatari oo uu ka samaysto dekedda Berbera, “Noloshu way is bedeshaa. Hore waxa loo odhan jiray jid kasta oo aad martaa wuxuu ku geeyaa Talyaaniga, laakiin hadda beryahan dambe jid kastaa wuxuu ku gaynayaa Maraykanka. Sidaas daraadeed waanu soo dhawaynaynaa Maraykanka oo waxaanu ku casuunay inuu dib uga samaysto saldhig Milatari magaalada Xeebta ah ee Berbera, sidii uu wakhti hore ugu lahaan jiray.” Ayuu yidhi Md. Rayaale.

Hase ahaatee, Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya Ambassador Michael Rannerberger, oo isaga oo dhawaan Internetka su’aalo lagu weydiinayay ayaa sheegay in aan Dawladdiisa u qorshaysnayn in ay saldhig milatari  ka samaysanayso Dekedda Berbera. "Maya, ma lihin wax ku tallo gal ah oo ku saabsan inaanu saldhig milatari ka samaysano Somaliya.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland