Arbaco, April 02, 2008(HOL): Mahad Maxamuud Makaraan waxaa uu jiraa labo sano, wuxuuna dhashay isagoo aan lahayn meel uu ka saxaroodo, wuxuuna u baahan yahay qalliin lagu sameeyo.

Dhibane Mahad Maxamuud oo ay dhabta ku heyso Hooyadiis Sokorey Faarax
Hooyada dhashay Wiilkan oo lagu magacaabo Sokorey Faarax Mocow oo maanta shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in uu Wiilkeeda aad u xanuunsanayo, isla markaana uu habeen iyo maalin ooynayo xanuunka haya aawgiis.
“Wuxuu dhashay isagoo aan lahayn meel uu ka saxaroodo, markii uu seddex maalmood jiray ayaan geeyay Isbitaalka Keysaney, kadibna waxaan la xiriiray Dr. Axmed Taajir oo ka mid ah Dhaqaatiirta Isbitaalkaas ka shaqeysa, wuxuuna ku sameeyay qalliin uu ku suurtageliyay inuu dhinac ka saxaroodo”ayay tiri Sokorey Faarax Macow oo dhabta ku heysata Wiilkeeda Sabiga ah ee xanuunsanaya.
Sokorey Faarax Macow waxay sheegtay in Dr. Axmed Taajir uu ku wargeliyay in aan Wiilkeeda waxba looga qaban karin gudaha Dalka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay haddii la kari karo in dibadda loo qaado si qalliin loogu sameeyo.
“Annaga waxaan nahay qoys Reer Miyi ah oo ku nool deegaanka Caliyaale ee Degmada Balcad, mana lihin tabar aan Canugan dibadda ugu qaadno, marka waxaan ka codsaneynaa Dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo weliba Jaaliyadaha Dibadda inay nagu caawiyaan sidii aan ku heli lahayn daweyn dibadda ah”ayay tiri Sokorey Faarax Macow.
Ugu dambeyntiina, Sokorey Faarax oo ka hadleysay sida ay tahay xaaladda Wiilkeeda waxay sheegtay in uu aad u xanuunsanayo, isla markaana uusan cuni karin wax quud ah oo dhaafsiisan wax dareere ah sida caanaha iyo cabitaannada kale.
Haddii aad caawineysid wiilkan dhibaateysan kala xiriir Taleefoon Nambar 0025215518717 oo laga helo Muuse Maxamed Cusmaan email [email protected] ama 0025250431838 oo laga helo Cali Cadde Xasan e-mail [email protected]
Halkan ka aqrsio Warqadda Dr. Axmed Taajir
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia