Shiikh Yuusuf Indha-cadde oo beeniyay in uu hayo Rag Ajaanib ah oo ay Kooxo hubeysan ku af-duubteen Degmada Saakow

Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysigs Dib u xoreynta Soomaaliya-Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde)
Arbaco, April 02, 2008(HOL): Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa beeniyay hadal uu saaka sii dayay Guddoomiyaha Degmada Bu’aale Ibraahim Aadan Nooleeye, kaasi oo ahaa in Shiikh Yuusuf Indha-cadde uu hayo Raggii Ajaanibta ahaa ee shalay lagu af-duubtay Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.
 
Shiikh Yuusuf Indha-cadde oo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in uusan warkaas jirin, isla markaana uusan arkin rag wax af-duubtay iyo kuwo la soo af-duubtay.

Waxaa uu sheegay Shiikh Yuusuf Indha-cadde in ragga lagu qafaashay Degmada Saakow ay heystaan Maleeshiyo ay isku heyb yihiin Guddoomiyaha Degmada Bu’aale, isla markaana af-duubkaas uu ahaa mid qorsheysan, “Annaga ma af-duubanno dadka samafalayaasha ah ee u adeegaya Shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan Beesha Caalamka u sheegeynaa in ay tallaabo ka qaaddo dadka af-duubkaas ku kacay”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-cadde.
 
Hadalkan  beeninta ah ee uu sii daayay Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka Guddoomiyaha Degmada Bu’aale Ibraahim Aadan Nooleeye uu sheegay in Kooxihii af-duubtay Raggii Ajaanibta ahaa ee shalay lagu af-duubtay Degmada Saakow ay qabteen Ciidamo uu wato Shiikh Yuusuf Indha-cadde, isagoo weliba sheegay in ay Xiriir la sameyn doonaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee Labo Samafale oo u shaqeynayay Hay’adda Beeraha iyo Cuntada ee FAO, isla markaana u kala dhashay Dalalka Britain iyo Kenya ayaa maalintii shalay ahayd waxaa lagu af-duubtay Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, xili ay qiimeyn ku sameynayeen meelo biyo xireenno looga sameynayo Webiga Jubba.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia