More Articles
Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobollada dalka.
Warkii oo dhan
Axad, March 09, 2014 (HOL) Waxaa lagu qabtay Jaamacada Gobolka Minnesota kulan loogu magac daray Xasuus iyo Duco ,oo dib loogu xasuusanayey Rasalwasaarahii labaad ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo bishii 31 January 2014 ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.
Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa billaabay inay si rasmi ah u isticmaalaan gaadiidka ciidamada AMISOM ay caanka ku yihiin, iyadoo ay tani noqonayso markii ugu horreeyay oo la arko ciidammo Soomaaliya oo wata gaadiidka AMISOM.
Jimco, Maarso 07, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa gellinkii dambe ee maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Xudur ee gobolka Bakool oo ay ka talinaysay Al-shabab.
Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya lagu koontarooli doono hubka ay keensanayso iyo sida ay u isticmaalayso, kaddib markii ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kordhiyeen muddada qafiifinta cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya.
Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux oo uu ku jiro taliye ku xigeenka qaybta booliiska ee gobolka Bay, Col. Nishow Kurtun ayaa ku dhintay, iyadoo shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal gellinkii dambe ee maanta ka dhacay bar-koontarool oo taallay meel ku dhow saldhigga booliiska degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — AMISOM ayaa taageertay go’aankii ay dowladdu ka istaagtay maamul u sameynta gobollada Soomaaliya, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya lagu sheegay in AMISOM ay taageerayso go’aanka maamul sameynta dalka ee waafaqsan dastuurka KMG ah.