Axad, Luulyo 13, 2025 (HOL) - Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaaciyay inuu bixinayo abaalmarin gaaraysa $5 milyan cid kasta oo keenta xog lagu heli karo Abdikadir Mohamed Abdikadir oo loo yaqaan Ikrima, ama qof kale oo ku lug lahaa weeraradii argagixiso ee Kampala, Uganda, bishii Luulyo 2010.
Warkii oo dhan
More Articles
Sabti, Luulyo 12, 2025 (HOL) - Beesha Ceyr oo ka mid ah Beelaha Habargidir ayaa maanta gaarsiisay deeq kala duwan beelaha Xawaadle ee dagaalka culus kula jira sadaxdii sano ee lasoo dhaafay maleeshiyaadka Al-shabaab.
Jimco, Luulyo 11, 2025 (HOL) - Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan kooxda Al Shabqab, oo ay ku jireen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.
Arbaco, Luulyo 10, 2025 (HOL) - Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa xukuno adag ku ridday 13 eedeysane oo geystay kiis kufsi wadareed ah oo dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo loo geystay Faadumo Siciid Cali, gabadh 16 jir ah. Maxkamaddu waxay 8 kamid ah dhalinyaradaasi ku heshay dambiga kufsigaas, iyadoo mid kamid ah uu ahaa 17 jir.
Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) - Musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka SSC Khaatumo ayaa si adag uga horyimid shirweynaha lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatumo oo lagu wado inuu berrito ka furmo magaalada Laascaanood.
Talaado, Luulyo 8, 2025 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay ciidamo u dirtay gobollada Sanaag iyo Sool, isaga oo sheegay in aysan jirin sabab suurtagal ah oo ciidamadaas loogu diri lahaa deegaannadaas.
Isniin, Luulyo 7, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay maamulka SSC-Khaatumo in ay ku ekaadaan dhulkooda, isagoo uga digay in tallaabo laga qaadi doono haddii ay faragelin ku sii hayaan deegaannada Puntland, gaar ahaan gobolka Sanaag.