More Articles
Khamiis, May 14, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu xilka ka qaaday guddoomiyahii maxkamadda gobolka Banaadir iyo guddoomiyahii maxkamadda racfaanka gobolka, waxa uuna xilalkaasi u magacaabay laba garyaqaan oo kale , kadib markii la sheegay in soo jeedintaas ay ka timid guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.
Warkii oo dhan
Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Midowga Afrika ayaa soo jeediyay in hal sano oo dheeraad ah loogu daro joogitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.
Talaado, May 12, 2020 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay fatahaad xooggan ka geystay magaalada Beledweyne, waxaana dhammaan xermay jidadka isku xira xaafadaha kala duwan taas oo dhibaato adag ku haaysa bulshada .
Isniin, May 11, 2020 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in ay 7 bilood ka hor ku wareejisay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musoobooyinka Soomaaliya lacag dhan $600,00, taasoo loogu talo galay gurmadka fatahaada Baladweyne.
Axad, May 10, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inaay soo gaareen lacagihii dooda dhaliyay ee lix bil kahor aay yabooheen dowlada federaalka iyo dowlada Jabuuti.
Sabti, May 9, 2020 (HOL) - Lacag dhan 1.5 Milyan oo Doollar oo bartamaha Bishii May 2018 ay ku deeqday dowladda Shiinaha si wax looga qabto fatahaadda webiga Shabeelle, ayaa Baaritaan ay sameeyay Shabakadda HOL waxa ay kusoo ogaatay in lacagahaasi aysan gaarin halkii loogu talo-galay.