4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Guddoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose iyo mas’uuliyiin kale oo Qarax lagu dhaawacay

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka dulleedka Muqdisho gaar ahaan deegaanka Siinka Dheer ayaa sheegaya in Qarax lala eegtay gadiid ay la socdeen mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose.

Qarax oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ku dhaawacmay Qaraxa ka mid ahaa guddoomiyihii gobolka Maxamed Ibraahim Barre iyo guddoomiyihii deegaanka Ceelasha biyaha Ayaan Xassan, Lama oga inta uu gaarsiisan yahay dhaawaca guddoomiyaha.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhowr jeer oo hore qaraxyo miino lagula eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]