4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Rag hubeysan oo dulleedka Muqdisho ku dilay Wiil Ardey ahaa

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) – Sida goobjoogayaal u xaqiijiyeen warbaahinta rag hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay Cabdirashiid Daahir Xassan oo ahaa ardey dhigta mid ka mid ah Jaamacada magaalada Muqdisho.

Toogashadan oo ka dhacday deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa goojoogayaashu sheegeen in ragga hubeysan bartilmaameedsadeen marxuumka xili uu ka soo baxay goob ganacsi, iyaga oo horay u sii qaatay gaari uu watay marxuumka.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa tagay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo bilaabay baaritaan ka dhan ah falka dilka ka ah ee dhacay, laakiin lama sheegin cid loo qabtay aritan.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka wiilkan dhalinyarada ah, hasse ahaatee inta badan dilalka noocan ah ee dhaca waxaa sheegta ama lagu eedeeyaan in ay ka danbeeyaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]