4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
ISIS oo sheegatay dilka shaqaale ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyada dowladda Soomaaliya

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Kooxda ISIS ama Daacish ayaa sheegatay in ay iyagu ka danbeeyeen dilka labo ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka oo ka dhacay Muqdisho.

Wakaallada Wararka u faafisa ISIS ee Amaq ayaa lagu baahiyay sawirro iyo muuqaalo tusinaya dilkan labada ruux oo ka dhacay magaalada Muqdisho, laakiin ma aysan shaacin magacyada magacyada dadkan ay dileen.

Inkastoo Daacish ay sheegtay marar badan oo hore dilal ka dhacay Muqdisho iyo deegaanno kale, haddana dhinaca kale marka la eego dilalka ugu badan waxaa sheegta ama lagu eedeeyaa in ay geystaan Al-shabaab oo ah urur hubeysan oo la dagaalama dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]