4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Farmaajo : Baarlamaanka kaalintooda ha ka qaataan hergalinta Sharciga Naafada

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno kamid ah dalladaha ururrada naafada kuwaas oo kaalin mug leh ka geystay u ololeynta xuquuqda dadka naafada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Naafada oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu xaqiijinayo qorsheyaasha lagu horumarinayo naafada Soomaaliyeed iyo xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

Madaxweynaha ayaa faray Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay kaalintooda sharci ka qaataan hawshan, isagoona ku adkeeyey in ay dadaal badan geliyaan meel marintiisa.

Madaxweynaha ayaa yiri; “Waa waajib ina wada saaran dhammaanteen inaan dhaqaaleysanno dadkeenna naafada ah oo aan ka shaqeyno caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, waana qeyb ka mid ah masuuliyadda gaarka ah ee ay noo wakiisheen shacabka Soomaaliyeed.”

“Waxaa xaqiiq ah in falalka gurrucan ee argagixisada Alshabaab ay ku dhibaateeyeen shacabka ay kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafoobay,Waxaan ka shaqeynaynaa in aan gacanna ku ciribtirno argagixisada, gacanta kalena aan ku daryeelno dadkeenna ay naafeeyeen.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, dalladaha ay ku midaysanyihiin naafada iyo khubarada Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyey diyaarinta hindise sharciyeedkan, dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo aasaasi lahaa hay’ad qaran oo ka shaqeysa horumarinta dadka naafada ah.

Xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji, u qaabilsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada Mudane Cabdirixmaan Faarax Luunge iyo xubno ka tirsan dalladaha naafada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]