4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2018
Uruguay oo 2-1 uga badisay xulka Portugal oo ka haray wareega 8aad dhamaadka Koobka aduunka

 

Sabti, June, 30, 2018 (HOL) – Xulka Uruguay ayaa xaqiiqsaday in uu u gudbay wareega 8aad dhamaadka Koobka aduunka ee ka soconaya dalka Ruushka kaddib markii ay 2-1 uga badiyeen xulka Portugal.

Laacibka reer Portugal Cristiano Ronlado ayaa ku dhici waayay in uu xulkiisa oo ah horyaalka qaarada Yurub uu wareegga 16ka uu ka soo gudbiyo kaddib markii ay is hortaag ku sameeyeen difaacyada Uruguay.

Labada Goo ee xulka Uruguay u sahlay in ay ka soo gudbaan wareega 16-ka waxaa u dhaliyay Laacibkooda Cavani.

 Sidoo kale waxaa isla maanta tartankan isaga haray xulka Argentina oo cayaar xiiso gaar ah laheyd loogu awood sheegtay 4-3 oo ay ku badiyeen xiddigaha reer Faransa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]