Talaado, July, 17, 2018 (HOL) - Waxaa lagu wadaa
in ilaa galinka danbe ee maanta la soo gabagabeeyo Shirka Brussels ee looga
hadlayo xaalada Soomaaliya, iyadoo ay soconayaan kulamo gar gaar ah oo ay
leeyihiin madaxda shirka ka qeybgaleysa.
Kulanka ayaa wajigiisa labaad lagu wadaa in uu
noqdo mid u dhaxeyn doona madaxda beesha caalamka iyo ka qeybgalaya shirka oo uu
ka mid yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulanka maanta ayaa la filayaa in ay wada shir
guddoomiyaan Madaxweyne Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden halkaa Wajigii hore ee shalay shir guddoomiyeen
Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee
Qaramada Midoobey iyo Agaasime ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden.
Shirkan ayaa guud ahaan lagu lafa-gurayaa
xaalada Soomaaliya, haddii ay ahaan lahaayeen dhinacyada, Siyaasadda, Amniga,
iyo waliba Dhaqaalaha.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]