4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2018
Ururka VEAW oo Qabtay Kulan Loogu Hadlaayey Islaam Nacaybka,Minnesota

Talaado Luuliyo 17 2018 (HOL) Ururka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Haweenka ee Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo VEAW, ayaa magaalada Minneapolis ku qabtay kulan looga hadlayay, Islaam-Nacaybka, Dambiyada salka ku haya isir-nacaybka iyo sidii ay bulshadu door uga qaadan lahayd nabad ku wada noolaanshaha.


Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiil ka kala socatay laamaha nabadgelyada ee magaalooyinka mataanaha ah ee St Paul/Minneapolis, Hay’adda danbi-baarista ee FBI iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota.


Kulanka oo inta badan ay saraakiisha Amaanku bulshada su’aalo ugu jawaabayeen, ayaa waxaa xoogga lagu saaray in qof kasta oo ku dhaqan wadankan Mareykanka uu xuquuqdiisa ilaaliyay sharciga dalku, ciddii lagu xadgudbana ay cadaaladdu u hiilineyso, balse loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan xiriir loola sameeyo laamaha amniga.


Farxiyo Khaliif oo ah madaxa Ururka VEAW ayaa sheegtay in u jeedada ay kulanka u qabteen ay tahay ka dib markii ay soo bateen falalka la xiriir nacaybka ka dhanka ah dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalkan Mareykanka.




“Waxaan dooneynaa in dadkeenu ay nabad ku noolaadaan oo ay howlahooda fushadaan iyagoo aan cidna ka cabsaneynin, sidoo kale ay ogaadaan xuquuqda ay dalkan ku leeyihiin” ayay tiri Farxiya Khaliif. Mar ay ka hadlaysay talaabooyinka ay qaadayaan si looga hortago Islaam-nacaybka ayaa waxa ay sheegtay in ay xoogga saari doonaan sidii ay bulshooyinka kale ee gobalka ugu gudbin lahaayeen in Muslimiinta dariska la ahi ay ka mid yihiin bulshada, oo cidna aaney dhibaato ku aheyn.


“Waxaan qaban doonaa kulamo dadweyne oo aan dadka oo dhan ugu yeereyno, inagoo ku qaban doona magaalooyinka gobalka oo dhan inta ay hadba awoodeenu gaarto, Marka la wadahadlo oo la isbarto waxaa meesha ka baxaya kala shakisanaanta bulshada dhexdeeda ah, waana taasi midda aan ay rajaynayno inay wax ka tari doonto naceybka ka dhanka ah muslimiinta iyo dadka u soo haajiray dalkan” ayay tiri Farxiyo Khaliif.

 

Ururka VEAW ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay aad ugu howlanaa baraarujinta iyo wacyi galinta jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota, dhinaca kalena waxa ay xoogga saaraan sidii loo abuuri lahaa wadashaqeyn dhexmarta jaaliyadda iyo Hay’adaha amniga, si bulshadu ay nabad ugu wada-noolaato.

 

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]