Talaado, July, 17, 2018 (HOL) –Ururrka
ONLF ayaa markii ugu horeysay bayaan ka soo saaray dagaalka u dhaxeya
Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya, kaa oo sababay khasaare
ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Cabduqaadir Xassan Hirmooge
Cadaani oo ah afhayeenka Ururka ONLF oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in
dagaalladii ugu danbeeyay ee dhaxmaray labada Qowmiyadood ku dhinteen tiro ka
badan 50 ruux.
Dowladda dhexe ee Itoobiya ayuu Hirmooge ugu baaqay
in ay soo fara-galiso dagaallada u dhaxeeya Labada Qomiyadood oo haddii aan
laga hortagi sida uu hadalka u dhigay yeelan doona cawaaqib aan la mahdin.
Ururka ONLF ayuu sheegay in uu aamin-san yahay in
Labadan Qowmiyadood yihiin dad walaalo ah, sidaasi darteed-na ay goor hore ku war-geliyaan
Ra’iisul Wasaare Aby Ahmed in xukuumaddiisa ay wax ka qabato dagaaladan soo
laa laabtay.
Dalka Itoobiya waxaa hadda ka jira isbadal xowli
badan ku socda oo uu waddo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Ahmed,
waana tan keentay in Ururka ONLF oo mid ah Ururrada ugu xoogan dalkaas uu
baaqani soo saaro.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]