
Talaado, July, 17, 2018 (HOL) -Khilaafkan oo u muuqda mid salka ku haya kala sareynta mas’uuliyinta dowladda iyo cidda ay tahay in ay sii waddo shaqada Wasaaradda marka uu Wasiirku dalka ka maqan yahay.
Wasiiru-dowluhu Wasaaradda Maaliyada Maxamed Xayir Ibraahim ayaa ka hor yimid Qoraal horay uga soo baxay Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaalle Beylle oo ku-sime Wasaaradda uga sii dhigay ku-xigeenkiisa Cabdullaahi Sheekh Cali Khaloocoow.
Qoraalka Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale la gaaarsiiyay Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Hanti dhowrka Guud, kuna ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha intaba.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray is qab qabsi dhinaca awoodaha ah oo u dhaxeeyay mas’uuliyiinta Wasaaraddaha xukuumadda qaarkood oo xilalka isku qabta marka uu Wasiirku dalka ka baxo, waxaana loolanka ugu badan uu ka dhax jiraa Wasiir ku-xigeennadda iyo Wasiiru-dowlayaasha.
Wasiirka Maaliyada ayaa hadda ka mid ah Wafuud ka qeybgaleysa shirka looga hadlayo xaalada Soomaaliya ee ka soconaya magaalada Brussels
Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasiiru-dowlaha :
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]