3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2018
Abiy Ahmed : Waa in deg deg loo joojiyo dagaalka Oromada iyo Soomaalida

 

Talaado, July, 17, 2018 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa si kulul uga hadlay dagaallada u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya, isaga oo ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalladaas.

Hadalkan ayuu ka jeediyay Warbaahinta dowladda kaddib markii ay halkaa ka dhoofeen magaalada Addis Ababa wafdiggii uu horkacayay madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerk.

Abiy ayaa gaar ahaan siweyn u cambaareeyay dilalka joogtada ah oo dadka Oromada ah kula kacayaan Soomaalida, isaga oo faray laamaha Amniga guud ahaan in ay arintaa soo afjaraan.

Maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada ayaa siweyn loogu baahinayay Muuqaalo iyo Sawirro ka tarumaya xasuuqa iyo dilalka Oromada ay kula kacayaan dadka Soomaalida ah oo la arkayay iyaga meydadka dad Soomaaliyeed ku dul cayaaraya.

Dhinaca kale Ururrka ONLF oo ka mid ah Ururrada ugu waaweyn mucaaradka dalka Itoobiya ayaa ugu baaqay ra’iisal wasaare Abiy in uu soo afjaro dagaalka labada Qowmiyadood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/17/2018 3:48 PM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeeyb qaatay guddoominta Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyed ay maanta haystaan fursad taariikhi ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hor-u-socodka dalka, taas oo dhabaha u xaareysa in la gaaro himilooyinka shacabka.

7/17/2018 10:37 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta khudbad ka hor jeediyay shirka heerka caalami ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaa oo ka soconaya magaalada Brussels ee dalka Belgium –ka

7/17/2018 10:36 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta khudbad ka hor jeediyay shirka heerka caalami ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaa oo ka soconaya magaalada Brussels ee dalka Belgium –ka

7/17/2018 10:33 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL)-Kadib kulan qaatay sedex maalmood oo ay magaalada Kismaayo ku yeesheen wasiirro iyo wasiir kuxigeenno ka socday wasaaradaha kalluumeysiga iyo khayraadka badda dowlad goboleedyada ayaa waxaa ay maanta shirkooda kasoo saareen war murtiyeed.

7/17/2018 8:00 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL)-Waxaa lagu wadaa in ilaa galinka danbe ee maanta la soo gabagabeeyo Shirka Brussels ee looga hadlayo xaalada Soomaaliya, iyadoo ay soconayaan kulamo gar gaar ah oo ay leeyihiin madaxda shirka ka qeybgaleysa.

7/17/2018 7:42 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL) -Khilaafkan oo u muuqda mid salka ku haya kala sareynta mas’uuliyinta dowladda iyo cidda ay tahay in ay sii waddo shaqada Wasaaradda marka uu Wasiirku dalka ka maqan yahay.

7/17/2018 1:33 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL) – Baarlamaanka dalka Masar ayaa Isniinti shalay ansixiyay dhowr qodob oo sharci ah oo uu ku jiro xeer u ogolaanaya dadka ajnabiga ah in ay heli karaan jinsiyadda Masar haddii ay dhigtaan bankiyada dalkaasi lacag dhan $400,000 afar boqol oo kun oo dollar.

7/17/2018 1:16 AM EST
Ururka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Haweenka ee Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo VEAW, ayaa magaalada Minneapolis ku qabtay kulan looga hadlayay, Islaam-Nacaybka, Dambiyada salka ku haya isir-nacaybka iyo sidii ay bulshadu door uga qaadan lahayd nabad ku wada noolaanshaha.

7/17/2018 12:34 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL)–Ururrka ONLF ayaa markii ugu horeysay bayaan ka soo saaray dagaalka u dhaxeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya, kaa oo sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

7/17/2018 12:19 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay culima’udiinka Soomaaliyeed kala hadashay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagula jiro Ururrka Al-shabaab oo todobaadyadii ugu danbeeyay xoojiyay weerarrada ka dhanka ah xarumaha dowladda.