Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2008


Ciidamada Itoobiya oo lagala wareegay Fariisin ay ku lahaayeen Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha

Arbaco, March 19, 2008(HOL): Kadib dagaal socday muddo saacado ah ayaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha waxaa lagala wareegay fariisin ay halkaas ku lahaayeen.
 
Xeradii Maslax oo ay in muddo ah ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa haatan waxaa ku sugan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, iyadoo Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee halkaas ku sugnaana ay ku biireen Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xarunta Warshaddii  Baastada.

Dagaalkii saaka ka bilowday Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaa in uu u soo wareegay dhinaca Xaafadda SOS iyo agagaaraha Xaruntii Warshadda Baastada, iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaas ku suganna ay madaafiic ku duqeynayaan xaafadaha SOS, Waxar Cadde iyo Xaafadaha kale ee u dhow.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii maanta ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 6 ruux oo isugu jiray 3 ruux oo Rayid ah iyo 3 Askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiyaanka ee dagaalka kula jiray Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Xerada Maslax ayaa waxay ka mid ahayd fariisimo dhowr ah oo ay Ciidamada Itoobiyaanka degeen wixii ka dambeeyay markii uu soo dhamaaday Dagaalkii ay dadka badan ku dhinteen ee Muqdisho ka dhacay Bilihii Maarso iyo April ee sanadkii aynu ka soo gudubnay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

AFHAYEENKA ALSHABAAB: “Waan ku faraxsannahay in uu Mareykanka nagu daro Liiska Argagixisada waayo waxaan diidnay waxa uu isagu rabo”

3/19/2008 11:06 AM EST
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, isla markaana wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal ka soo yeeray Mareykanka oo ahaa in Ururkooda lagu daray Liiska Argagixisada ayaa wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin hadalka ka soo yeeray Mareykanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku hanjabay in uu is-casilayo haddii aaney Xildhibaannada bedelin qaab dhaqankooda

3/19/2008 11:03 AM EST
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe ayaa maanta ku hanjabay mar uu la hadlayay Xildhibaannada Baarlamaanka in uu is-casili doono haddii aaney mudanayaasha bedelin qaab dhaqankooda.

Tuugo South African ah oo Dilay Ganacsade Somaliyeed

3/19/2008 11:02 AM EST
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Abaarihii 5tii galabnimo ee shalay ayay soo weerareen Tuugo Koofur African ah ganacsade Soomaliyeed oo Dukaan ku lahaa Tuulo lagu magacaabo Oronge Form oo hoos timada Magalada Vereenining oo ka tirsan Gobolka Gauteng.

Jilaaga caanka ah ee Ow-Kuu Kuu oo Muqdisho ku xanuunsanaya, Daryeel la’aan-na ay heyso

3/19/2008 6:53 AM EST
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Haddii aad ku taqiinay inuu wax badan kaa qosliyo, haatan ma jiro qosolkii aad ku tiqiin jilaaga C/llaahi Amiir Rooble(Ow Kuu-kuu) waxa uuna ku xanuunsan yahay hoygiisa ku yaala Ex-Fiyoore, kaasi oo uusan meelna uga dhaqaaqin tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee xanaaneyn jirtay Fannaaniinta Soomaaliyeed.

Dad ka careysan Sicir barar ka taagan Magaalada Muqdisho oo boobay Raashin Ganacsato u rarnaa

3/19/2008 6:47 AM EST
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Dad ka careysan sicir barar maalmahan ka taagan magaalada Mqudisho ayaa waxay maanta boobeen Raashin u rarnaa Ganacsato Reer Muqdisho ah, kadib markii gaari uu Raashinkaas saarnaa ay Dadkaas ku qamaameen.

Dagaal ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha

3/19/2008 5:16 AM EST
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sakaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay oo shaaca ka qaaday Suurtagalnimada in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya

3/19/2008 5:13 AM EST
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ayaa shaaca ka qaaday in ay suurtagal tahay in Ciidamo ka socda UN-ka loo diro dalka Soomaaliya oo muddo 17 sano ka badan ay xaaladdiisa tahay mid saldhigan la’.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Xabsiga dhigay Shaqsiyaad la sheegay inay lid ku yihiin Nabadgelyada

3/19/2008 5:11 AM EST
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Xabisgga dhigay in ka badan 6 Ruux oo qaar kood ka yimid dhinaca Gobaladda dhaxe kuwaa oo sidda uu maamulku sheegay lid ku ah Nabad-galyadda guud ee Gobalka Hiiraan kadib markii aysidda la sheegay Ciidamadu dabagal ku sameeyeen.

Al-shabab oo lagu daray Liiska argagaxisada

3/19/2008 5:02 AM EST
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Warka ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibedda ee dowladda Mareykanka oo loogu tala galay saxaafadda ayaa sheegay in Kooxda Al shabaab ee waddanka Somalia lagu daray liiska Ururada argagaxisada ee caalamka.




Somali Islamic militants: Happy to be on US list of terrorist organizations -AP

3/19/2008 6:14 PM EST
MOGADISHU, Somalia: Islamic militants in Somalia welcomed being added to the U.S. list of foreign terrorist organizations, saying Wednesday they only wished the designation had come sooner.

Battles rage in Mogadishu: at least 12 killed -M&C

3/19/2008 11:36 AM EST
Mogadishu - Fighting between insurgents and government troops rocked the Somali capital Mogadishu Wednesday, leaving at least 12 people killed, officials said, in ongoing clashes that have killed thousands since January 2007.

Why do we still have a problem with integration? -Liverpool Echo

3/19/2008 11:30 AM EST
I WAS lucky enough to spend a few days in the United Arab Emirate’s capital Abu Dhabi recently.And among soaking up the 35degree sun and trying to find somewhere to watch the Everton game, I befriended our Somalian tour guide Anwar.

Battles erupt in Somali capital -Reuters

3/19/2008 11:23 AM EST
MOGADISHU, March 19 (Reuters) - Battles erupted in Somalia's capital on Wednesday between Islamist rebels and Ethiopian troops backing the government a day after the United Nations said it was still too dangerous to send peacekeepers there.

Puntland presidential hopeful campaigns in Seattle -HOL

3/19/2008 9:37 AM EST
SEATTLE, Washington March 16 (HOL): A Somali-American running to become the fourth president of the Somali region of Puntland held a campaign rally in Seattle, Washington, on Saturday, March 15, 2008.

Somali, Zanzibar, Djibouti presidents arrive -New Vision

3/19/2008 3:33 AM EST
ampala, Uganda - FOUR heads of state arrived yesterday to attend the official opening of the Gadaffi National Mosque and thanksgiving prayers.

UN Chief Urges New Somali Peace Effort -AP

3/19/2008 3:20 AM EST
D NATIONS (AP) — Secretary-General Ban Ki-moon urged the international community Tuesday to build the foundations for peace in Somalia by strengthening U.N. political efforts and deploying a new 8,000-strong multinational force.

United States Designates Somalia's al-Shabab as a Terrorist Group -VOA

3/19/2008 3:13 AM EST
The United States government has classified al-Shabaab, an Islamic militant group based in Somalia, as a terrorist organization. This comes after the group reportedly committed various acts of terrorism, including beheading three government soldiers during an ambush on a checkpoint outside the capital, Mogadishu and praising Osama Bin Laden in the process.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter