4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2008
Dagaal ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha

Arbaco, March 19, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sakaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
 
Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Xaruntii Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax oo Koofur iyo Waqooyi ka xiga Deegaanka Suuqa Xoolaha ay isku fidiyeen Wadada dhexmarta Suuqii hore ee Xoolaha.

Goob-joogayaal ku sugan Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa  waxay sheegeen in Ciidamo Itoobiyaan ah ay saaka Waaberigii galeen Deegaanka Suuqa Xoolaha, kadibna ay saaka Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Ciidamadaas oo iyana markii la weeraray bilaabay inay madaafiic ku garaacaan meelihii laga soo weeraray.

Dagaaka oo weli socda, isla markaana la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaan ilaa iyo hataan la ogeyn khasaaraha uu geystay sabab la xiriirta in aaney jirin cid tegi karta goobaha uu dagaalka ka socdo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dagaalka Suuqa Xoolaha Dagaal ku dhexmaro Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo ay halkaas iska hor-imaadyo ku dhexmareen labada dhinac.

Wixii dagaalkan ku soo kordha kala soco Hiiraan Online Haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia