4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2008
Tuugo South African ah oo Dilay Ganacsade Somaliyeed

Arbaco, March 19, 2008(HOL): Abaarihii 5tii galabnimo ee shalay ayay soo weerareen Tuugo Koofur African ah ganacsade Soomaliyeed oo Dukaan ku lahaa Tuulo lagu magacaabo Oronge Form oo hoos timada Magalada Vereenining oo ka tirsan Gobolka Gauteng.

Tuugadan ayaa waxay toogasho ku dileen marxuum lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Shiikh Cali, kaasi oo la sheegay in aysan wax hanti ah ka qaadan Tuugadii dishay.

Shiikh Axmed Maxamuud (Shiikh Axmed Dheere) oo ka tirsan culimaa’udiinka Somaliyeed ee ku nool Dalkan Koonfurta Africa ahna Sheikha U qabilsan arimaha Aaska dadka dhinto ayaa ka mid ahaa Culimadii gaartay meesha lagu dilay marxuunka mar aan ku wareystay qadka Taleefoonka ayuu ii xaqiijiyay in marxuunka lagu aasi doono isla Caawa Qabuuro ku yaala Magaladda Johannesburg haddii alle idmo.

Ugu dambeyntiina, Soomaalida ku dhaqan Dalka Koofur Afrika ayaa waxay la kulmaan dhibaatooyin ay u geystaan dadka Wadankaas u dhashay, kuwaasi oo Dil, Dhac iyo weliba handadaad u geysta Soomaalida meheradaha ganacsi ku heysta Dalkaas.

Saciid Xerow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesburg, South Africa