4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2008
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Xabsiga dhigay Shaqsiyaad la sheegay inay lid ku yihiin Nabadgelyada
Arbaco, March 19, 2008(HOL): Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Xabisgga dhigay in ka badan 6 Ruux oo qaar kood ka yimid dhinaca Gobaladda dhaxe kuwaa oo sidda uu maamulku sheegay lid ku ah Nabad-galyadda guud ee Gobalka Hiiraan kadib markii aysidda la sheegay Ciidamadu dabagal ku sameeyeen.
 
Sidda uu HOL u sheegay Madax danbi baarista Ciidamadda Baliiska Gobalka Hiiraan Max'ed Max'uud Garaar Ciidamadda Nabad-galyadda Maamulka Gobalka oo baryahanba waday howl-galo lagu soconayo dhaq-dhaqaaqyadda ka jira gudaha Gobalka Hiiraan ayaa ugu danbeytii ku guuleystay in ay xabsigga dhigaan shaqsiyaad sidda uu sheegay ka shaqeynayay howlo la doonayay in lagu carqaladeeyo Amaanka.
 
Garaar waxaa uu intaa ku daray in ka hor inta aan la soo xiray shaqsiyaadkan siweyn loogu guur-galay wax yaabaha ay ka hayaan gudaha Gobalka, iyo waliba hadii ay jiraan arimo iyagga u gaar ah oo ay halkan u joogaan, lakiin ugu danbeytii waxaa la ogaaday ayuu yiri in wadaan falal ka dhan ah jiritaanka Maamulka.
 
Inkastoo horay loo sheegay in Maamulku si adag ula dhaqmi doono cid kasta oo lagu helo in ay ka shaqeyneyso arimo ka dhan ah Nabad-galyadda, ayaa haddana waxaa xusid mudan in dadka la soo xir xiro aan la soo taagin wax Maxkamad ah si loogu cadeeyo eedeymaha loo heysto,  HOL ayaa weydiisay Garaar sababta shaqsigga la soo xiro markiiba loogu gudbiyo xabisigga isagga oo aan la soo marin wax Maxkamadda ah waxaa uu yiri "" Sikastaba ha'aateen waxaa hubaal ah ugu danbeytii maamulku qaadayo dacwadda eedeysanayaasha mana dhici karto in qof aan danbi laheyn xabsigga laysagga hayo,''
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Haggar (Dabageed) ayaa horay u sheegay in  dhibaatadda ka taagan Gobalka Hiiraan laga oo abaabulo qaar ka mid ah Deegaanadda Gobaladda dhexe, waxaana uu intaa ku daray in Maamulku ka warqabo in ay jiraan shaqsiyaad la shaqeeya oo ku sugan gudaha Gobalka.
 
Magaaladda Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan marka lagga soo tago howl-galadda mar walba lagu soo qab qabto shaqsiyaad siyaabo kala duwan loo soo eedeeyo ayaa dhanka kale waxaa dadka shacabka ah dhibaato weyn ku haya kooxo Burcad ah dhac u geysta kuwaa oo dadka qaarkii kuu sheegayaan in mar marka qaar ay ku labisan yihiin dareyska Ciidamadda.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia