Golaha Ammaanka QM oo dib u cusbooneysiiyay howlgalka AUSSOM, Sidoo kalena go’aamiyay joojinta howlgalka UNTMIS

Arbaco, December 24, 2025 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii dib u cusbooneysiiyay muddada howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), isagoo u kordhiyay hal sano oo kale.

Qaraarka, oo ay soo gudbisay dowladda Boqortooyada Midowday (UK), ayaa muddada AUSSOM ku kordhinaya ilaa 31-ka Diseembar 2026.

Qaraarkan ayaa helay taageero buuxda, iyadoo dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanku ay u codeeyeen ansixintiisa. Xubnuhu sidoo kale waxay go’aamiyeen in la joojiyo dhammaan howlaha Howlgalka KMG ah ee Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNTMIS) laga bilaabo 31-ka Oktoobar 2026.

Ku-xigeenka wakiilka UK ee Qaramada Midoobay, Archie Young, ayaa soo dhaweeyay ansixinta qaraarka, wuxuuna ku tilmaamay doorka howlgalka mid “muhiim ah” si loo “xoojiyo xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.”

“Qaraarka aan maanta ansixinnay wuxuu si cad u muujinayaa caqabadaha ka dhashay maalgelinta yar ee AUSSOM iyo yaraanta dhaqaale ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS),” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in qaraarku abuuro hannaan suurtagelinaya dib-u-eegis xog-ogaal ah oo lagu sameeyo taageerada saadka ee ay Qaramada Midoobay bixiso.”

Young wuxuu kaloo sheegay in si loo hubiyo in taageerada Soomaaliya ay noqoto mid si sax ah loo beegsaday oo wax ku ool ah, go’aannada Golaha Ammaanku ay sii wadi doonaan inay ku salaysnaadaan faham dhammaystiran oo ku saabsan duruufaha gudaha ee dalka ee AUSSOM laga hawlgaliyay.”

Tan iyo bishii Luulyo, ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay taageerayaan AUSSOM iyo saaxiibbo caalami ah ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.