
Arbaco, December 24, 2025 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay Warsaxafadeed ku aaddan doorashada goleyaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir oo lagu wado iney berito qabsoonto.
Doorashada berito ka dhaceysa gudaha magaalada Muqdisho ayay Wasaaraddu ku tilmaamtay mid taariiqi ah oo wax weyn ka badaleysa hanaanka shaqso iyo mida maamul ee dowladaha Hoose ee gobolka Banaadir.
Warsaxafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in doorashada berito ay astaan u tahay Muqdishada cusub ee kasoo gudubtay dariifahii adkaa ay soo martay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta ayaa sidoo kale ka dalbatay shacabka Soomaaliyeed ee berito ka qeyb qaadanaya codeynta doorashada iney ka shaqeyaan nabada iyo xasiloonida.
Warsaxafadeedkan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta Madasha Mucaaradka ay qaadaceen doorashada berito ka dhaceysa magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-
