
Arbaco, December 24, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka jawaabay hanjabaadaha iyo baaqyada dhawaan ka soo yeeray mucaaradka ee la xiriira doorashooyinka 2026 iyo dib-u-eegista dastuurka dalka.
Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabad ololaha Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo Talaadadii ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda si rasmi ah u aqbashay dalabka mucaaradka ee ku aaddan wadahadal qaran, kaasi oo uu ku tilmaamay qodobka ugu muhiimsan ee ka soo baxay shirkii saddexda maalmood socday ee mucaaradku ku yeesheen magaalada Kismaayo toddobaadkii hore.
“Waxaan ka qaadanay hal qodob natiijooyinkii ka soo baxay shirka Kismaayo, waana in wadahadal la furo, Albaabka wadahadalku waa furan yahay, wuxuuna ka furan yahay xafiiska Madaxweynaha, Dowladda si rasmi ah ayay uga jawaabtay codsigaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii xubno mucaarad ah oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay Sabtidii soo saareen bayaan ay baaq ugu direen Madaxweynaha, iyagoo ugu baaqay inuu isugu yeero dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka ugu dambeyn 20-ka Janaayo 2026, si heshiis looga gaaro hannaan doorasho oo loo dhan yahay.
Mucaaradku waxay ka digeen in haddii taasi dhici weydo, ay qaadi doonaan waddo siyaasadeed kale oo ay kaga hortagaan firaaq dastuuri ah iyo xasillooni darro hor leh.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa cadeeyay in dowladda Federaalka aysan marnaba ka soo horjeedin wadahadal iyo heshiis, balse ay si cad uga soo horjeeddo, sida uu yiri, “siyaasad ku dhisan is-muujin iyo hanjabaad.”
Hadalkan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaya isku day ay dowladda ku doonayso inay dejiso xiisadda siyaasadeed ee isa soo taraysa, iyadoo indhaha lagu hayo mustaqbalka doorashooyinka 2026 iyo hannaanka dhameystirka dastuurka dalka.