Ciidamo badan oo la dhigay wadooyinka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay doorashada berito dhaceysa

Arbaco, December 24, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilowday in wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdishi iney kusoo daadiso ciidamo isugu jira Booliis iyo kuwa kale oo amaanka ah oo sugi doona amniga doorashada berito ka dhaceysa Muqdisho. 

Ciidamadan ayaa loogu talagalay sugidda amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, gaar ahaan wadooyinka kala xarumaha iyo goobaha codbixinta doorashada ka dhaceyso, xili si weyn looga dareemayo degmooyinka gobolka Banaadir diyaargarowgii ugu dambeeyay ee doorashada.

Talaabadaan ayaa daba socota kulan Xalay magaalada Muqdisho markale ku yeesheen saraakiisha sare ee ciidamada Booliiska iyo Guddiga doorashooyinka, kulankaas oo diiradda lagu saaray qorshaha sugidda amaanka goobaha doorashada, iyo sidii looga hortaggi lahaa falal amni darro.

Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay dhacdo 25-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista oo ku beegan berito, taasoo ka dhici doonta magaalada Muqdisho, waxaana doorashadan ay tahay mid aan si toos ah qof loogu dooranayn oo ah nidaam ay dadku ugu codeynayaan xisbiyo iyo ururo siyaasadeed.

Sida guddiga doorashooyinka ay sheegeen, dadka codeynaya ayaa kala dooran doona xisbiyo iyo ururo siyaasadeed oo tiradoodu gaareyso ilaa 20 urur, kuwaas oo dhamaantood ka qeyb qaadanaya tartanka doorashada golayaasha deegaanka  degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in maalinta berito ah la xiri doono qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, islamarkaana sidoo kale si ku meel gaar ah loo joojin doono duulimaadyada ka baxa, kana soo dega garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, arrintaas oo qeyb ka ah qorshaha sugidda amaanka doorashada dadweynaha ee beritoka dhaceysa Muqdisho.