Somaliland oo beenisay in ay xidhiidh la leedahay Dowlada Federaalka Soomaaliya

Axad, December 7, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ayna jirin wax wadahadal ah oo hadda u socda dowlada Soomaaliya, kadib markii dowlada Soomaaliya sheegtay in wada xidhiidh ka dhexeeyo Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay wax in wadahadal ahi aanu ka dhaxayn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayada oo ku eedaysay in ay si cad u farogelisay arrimaha gudaha ee Somaliland, taasina ay sababtay in gebi ahaanba la joojiyo wadahadalladii u socday mudada 13 ka sano ah.

Qoraal rasmi ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ku baahisay barta X (Twitter), ayaa lagu sheegay in Somaliland “waligeed aanay qayb ka noqon nidaamka federaalka ee loo sameeyay Soomaaliya 2012-kii,” isla markaana ay madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991-kii, tan iyo waqtigaasna ay si madax-bannaan u dhisanaysay hay’adaheeda dawliga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay sheegtay in “wada hadalladii Soomaaliya la joojiyay,” isla markaana aanay jirin cid “badali karta go'aankaas,” waxayna ku eedeeysay dowlada Soomaaliya in ay marin-habaabineyso warbaahinta caalamiga ah.

Somaliland waxay dowlada federaalka ku eedaysay in ay carqaladaysay wada-hadalladii labada dhinac u socday mudada badan. Waxay inta ku dartay "in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo xasilloon oo dadkiisu midaysan yihiin, oo aan Soomaaliya kamid ahayn."

Wasiirru dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa shalay sheegay in dowladda federaalka ay si dhow ula shaqeyso Somaliland, isaga oo tilmaamay in labada dhinac ay leeyihiin xidhiidh toos ah oo joogto ah.