
Axad, December 7, 2025 (HOL) - Dalalka ka qeyb galay shirka Doha Forum ayaa ku baaqay in la mideeyo taageerada amniga ee Soomaaliya, iyagoo xusay in isku-duwidda caalamku ay muhiim u tahay xasilinta iyo amniga Soomaaliya, iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argigixisada sida Alshabaab.
El Hadji Ibrahima Diene oo ka socday howglalka AUSSOM ayaa sheegay in kulankani uu ka dhashay wada-hadalladii dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka dalka Qatar, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga, horumarka, iyo dib-u-habaynta dowladnimada.
Ibrahima Diene waxa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero caalami ah si loo xasiliyo deegaannada laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, si loo taageero ciidamada qaranka, loona dhiso nabad waarta.
Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cali Cumar Balcad, Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika Amb. Annette Weber, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty, ayaa ka qeyb galay kulankan.
Ambassador Diene wuxuu sheegay in howlgalka AUSSOM uu ilaalin doono horumarka ay Soomaaliya gaartay. Waxa uu sheegay in howlgalka uu u baahan yahay taageero joogto ah, qalab casri ah, diyaarado, injineerro iyo sirdoon si loo xoojiyo hawlgallada ciidamada Soomaaliya.
Kulanka Doha wuxuu kusoo beegmay xilli ay jiraan dood adag oo ku saabsan maalgelinta AUSSOM.
Maraykanka oo weli taageersan hawlgalka ayaa sheegay inuu doonayo in dalalka Yurub iyo Afrika ay qaataan masuuliyad dheeri ah si aan culeysku ugu dhicin canshuur bixiyeyaasha Maraykanka.