
Axad, December 7, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay mudaharaadkii ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, isaga dhibaatada ka dhalatay mudaharaadkaas ku tilmaamay mid aan marnaba habboonayn in ay ka dhacdo goob nabadeed.
Madaxweyne Deni ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay mudaharaadyada xilli uu caawa saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe, labo maalin kaddib markii kasoo laabtay safar uu ku tagay Imaaraatka.
Deni ayaa sheegay in murannada iyo cabashooyinka bulshada aan lagu xallin karin awood ciidan, balse loo baahan yahay in loo maro wadada wada-hadalka iyo xal raadin nabadeed.
“Waxaan ka tacsiyadaynayaa shaqaaqadii ka dhacday Boorama oo keentay dhimasho. Runtii ma ahayn arrin munaasib ahayd. Waxaan ku baaqayaa in wax walba loo raadiyo xal aan xabad lagu xallin,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli Somaliland iyo Puntland ay dhawaan muujiyeen isfaham cusub oo ku saabsan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, ka dib wadahadallo iyo heshiis hordhac ah oo labad dhinac ku yeesheen dalka Kenya.
Dad ka badan 20 qof ayaa ku geeriyooday, halka 50 ku dhawaad na ay ku dhaacacmeen mudaharaadyo rabshado watay oo maalmahan ka socday magaalada Boorama, kaasoo ka dhashay markii shacabka ay diideen in magaalada Saylac lagu qabto xuska xeerka Ciise oo ah xeer u gaar ah beelaha Ciise ee ku nool Saylac.
Ciidamada Somaliland ayaa lagu eedeeyay inay xabbad u isticmaaleen xakamaynta dadka mudaharaadayay, taasoo markii dambe dadka ku qasabtay inay qaarkood hubka lasoo baxaan.