
Axad, December 7, 2025 (HOL) - Millatariga Somaliland ayaa sheegay inay daba socdaan xogo sheegaya in dad ku hubaysan qoriga isnaybarka ay qayb ka qaateen laynta shacabka Boorama maalmihii ay rabshaduhu socdeen.
Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Cabdille, oo ku hadlay afka ciidanka, ayaa sheegay in ciidamada Somaliland aanay suurtagal ka ahayn inay si badheedh ah u beegsadaan shacabka.
“Ciidamada qaranku waa ciidamadiinnii idinku aad lahaydeen, amnigiinna ka shaqaynayay, kama suurtagasho inay shacabkooda, hablahooga, carruurtooda iyo dumarka reer Awdal iyo Salal wax si badheedh ah u gaadhsiiyaan,” ayuu yidhi Gaashaanle Cabdille.
Waxa uu sheegay inay tuhunsan yihiin in dad reer Somaliland aan ahayn ay sheedda ka tooganayeen shacabka: “Waxaanu dareensanahay inay jirto gacan saddexaad, dad meelo fog fog wax ka shiishayay, in la isticmaalay qoriga isnaybarka la yidhaa. Waxaanu daba soconnaa warbixino caynkaa ah oo isdaba xidhiidhsan.”
Gaashaanluhu waxa uu tacsi u diray dhammaan dhallinyaradii ku geeriyootay dhibaatadii ka dhacday magaalada, isaga oo sheegay in ciidanka millatarigu uu diyaariyay dawooyin, dhakhaatiir iyo gaadiid caafimaad oo loo diray magaalada Boorama si ay qayb uga qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhaawaca ah.
Waxa uu nabad ugu baaqay dadka dega gobollada Awdal iyo Salal, isaga oo sheegay inay ahaayeen tiir-dhexaadka Somaliland muddadii ay jirtay, isla markaana loo baahan yahay in salaadiintu ay ka shaqeeyaan nabadda oo aanay ku baaqin dagaal beeleed.
Haddaba, ciidamadu may soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaysa in gacan saddexaad ku lug lahayd dilka dadka. Ilaa hadda ma jiraan dad arrintan loo soo qabtay, balse taa beddelkeeda waxa la arkayay ciidamada oo shacabka rasaas u adeegsanaya maalmihii qalalaasaha.