4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo heshiis muhiim ah la saxiixatay Hay'adda Duulimaadyada Caalamiga ee IATA
 

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal oo ay wehlinayeen Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo maareeyaha Hay'adda Duulista rayidka Soomaaliya ayaa Kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka hay'adda duulimaadyada Caalamiga ee IATA.

Kulankaan ayaa Maanta ku dhexmaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya masuuliyiinta ka socotay dowladda Soomaaliya iyo hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Hawada IATA ayay ku wada gaareen heshiis lagu sii xoojinayo iskaashiga dhaqaale iyo faa’iidooyinka kale ee ijtimaaciga ah ee adeegyada hawada.

Shirka ayay dhinacyadu isku raaceen in wixii hadda ka dambeeya Soomaaliya la siiyo Code-ka lagu jaro Tikidhada gaadiidka isticmaala hawada Soomaaliya oo markii hore aysan heysan, waxaana heshiiskaan wada saxiixay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal iyo ku xigeenka madaxa IATA ee Africa iyo Bariga dhexe Kaamil Alawadhi.

Heshiiskaan waxaa sidoo kale qeyb ka ah balaarinta dhaqdhaqaaqyada hay'adda IATA ee gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna kusoo beegmaya iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay dib u soo ceshatay heerka koowaad ee Class A oo ah adeega ugu sareeya ee Hawada.