4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dhul gariir khasaare badan geystay oo ka dhacay dalka Turkiga
 

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka dalka Turkiga oo la dhibaatoonaya dhul gariir baaxad leh oo khasaare badan geystay oo ka dhacay wadanka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay murugada la qeybsaneyso shacabka iyo dowladda Turkiga, wuxuuna si gaar ah ugu tacsiyadeeyay ehalada ay dadkooda kaga dhinteen dhul gariirka, isagoona Caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka dhaawaca ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan shacabka iyo dowladda Turkiga uga tacsiyeynayaa dhulgariirkii ka dhacay Kahramanmaraş oo laga dareemay gobollo badan oo Turkiga ah,Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa intii ku dhimatay, intii ku dhaawacantayna waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhul gariirkaan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 ayaa la sheegay iney ku dhinteen ku dhawaad 2000 oo qof, waxaana wali socda gurmadka loo sameynaayo dadka ku waxyeeloobay dhul gariirkaas oo si weyn looga dareemay gobolo badan oo ka mid ah dalkaas.