4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Madaxweynaha dalka Iraq oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Soomaaliya
 

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Ciraaq Laif Rashiid ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Iraq.

Casuumadan ayaa waxaa soo gaarsiiyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Baqdaad Liibaan Sheekh Maxamuud oo uu qaabilay Madaxweynaha Ciraaq, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Ciraaq.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya dalalkooda.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa mahadcelin u jeediyay dalka Ciraaq, wuxuuna rajeeynayaa in dib loo furo safaaradda Ciraaq ee Muqdisho, isagoo intaas ku daray muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada beeraha iyo ganacsiga.

Casuumada uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo arkaa tallaabo loo qaaday dhanka sare u qaadista xiriirka labada dal, isla markaana bog cusub u furaya xiriirkooda diblomaasiyadeed.