4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Dhulgariir ka dhacay gobolo katirsan dalka Turkiga oo galaaftay nolasha ku dhawaad kun qof
 

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Dhulgariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 ayaa ku dhuftay gobolka koonfureed ee Kahramanmaraş, kaas oo galaaftay nolosha ugu yaraan 1912 qof, waxaana ku dhaawacmay 5,385 kale.

Dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 7.7 ayaa ku dhuftay meel 7 kilomitir (4.3 mayl) ka hoosaysa oogada sare ee degmada Kahramanmaraş ee Pazarcık, lixdii Febraayo saacadu markay ahayd 4:17 aroornimo, sida laga soo xigtay Madaxtooyada Turkiga.

Dhulgariirku wuxuu sidoo kale ruxay gobollada deriska la ah ee Gaziantep, Şanlıurfa, Diyarbakir, Adana, Adiyaman, Malatya, Osmaniye, Hatay iyo Kilis iyo dalalka deriska la ah oo ay ku jiraan Suuriya iyo Lubnaan.

Labo dhulgariir oo kale oo cabirkoodu ahaa 6.4 iyo 6.5 ayaa ku xigay kii hore, kaas oo sidoo kale ruxay koonfurta dalka Turkiga.

Waxaa la sheegay khasaaraha nafeed iyo burburka ugu badan in uu ka dhacay degmooyinka Pazarcık, Elbistan iyo Türkoğlu ee Kahramanmaraş.

Sida ay sheegayaan xogta hordhaca ah ee laga helayo xafiiska guddoomiyaha, 300 oo dhismo ayaa ku dumay guud ahaan magaalada Kahramanmaraş .

1,710 dhismo oo kuyaalay 10 gobol ayaa sidoo kale ku dumay baaxada dhul gariirka awgiis, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka dalka Turkiga, Fuat Okay

70 ka mid ah muwaadiniinta Turkiga ayaa naftooda ku waayey Kahramanmaraş, oo ah xarunta dhulgariirka. Khasaaraha waxay u badan tahay inay sii kordhi doonaan.

Magaalada Gaziantep, ugu yaraan 80 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, 600 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 47 qof ayaa ku naf waayey Malatya, iyadoo 550 kalena ay ku dhaawacmeen. Ilaa 300 oo dhismo ayaa ku soo dumay gobolkaas, iyadoo dhulgariirkii xoogganaa uu dhacay subaxnimadii hore.

Isbitaal ku yaal degmada İskenderun ee Hatay ayaa ku dumay dhulgariirka dartii, sida uu sheegay Oktay.

Waddada ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha ee Hatay ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan kaddib markii uu dhulgariirku gaaray, iyadoo isla markiiba la joojiyay duulimaadyadii.

Gobollada Gaziantep iyo Kahramanmaraş ayaa sidoo kale laga xiray duulimaadyada rayidka ah.

Turkish Airlines ayaa ku dhawaaqday inay diyaarisay duulimaadyo dheeri ah oo ay ku tagi doonto aagga dhul gariirka.